Maalmahanews.com
Siyaasi Maxamuud Raage oo ku soo guryo noqday xisbiga Kulmiye
January 23, 2016 - Written by admin

(Maalmaha news-Hargeisa) Munaasibad si weyn loo soo qabanqaabiyey oo shalay lagu qabtay Hotelka Maansoor ee magaallada Hargeysa ayaa lagu soo dhaweyey xoghayihii hore ee garabka siyaasadda ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Maxamuud Raage oo dhawaan dalka Ingiriiska kaga dhawaaqay inuu iska casilay xisbigaasi isaga oo markii uu Somaliland yimi toddobaadkii horen shaaciyey in uu u digo rogtay xisbiga talada Haya ee KULMIYE.index

Munaasibadan oo ahayd hadhimo sharafeed isla markaana uu soo agaasimay hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE  waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna musharraxa madaxweynaha ee xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi, xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland, salaadiin, mudanayaal ka tirsan golayaasha qaranka iyo marti sharaf kale.

Xasan Maxamed Gaafaadhe oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE oo isagu halkaasi ugu horeyn ka hadlay ayaa Maxamuud Raage ku tilmaamay Kaadiriintii ugu waaweynaa ee kaalinta adag ka soo qaatay guushii uu Xisbiga KULMIYE gaadhay doorashadi madaxweynaha ee sanadkii 2010 kii dalka ka qabsoontay, isaga oo wax lagu farto ku  tilmaamay in uu dib ugu soo noqdo xisbigiisii hore.

Maxamuud Raagge oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu xisbiga KULMIYE ku biiray sanadkii 2002-dii, door firfircoonna kazoo qaatay guulihii kala dembeeyey ee uu gaadhay waqtigii uu mucaaridka ahaa iyo markii uu talada dalka ku guulaystayba.

“KULMIYE 2002 baan ku biiray anigu, waanad ogtihiin oo deegaanka [deegaanka uu ka soo jeedo] laba xisbi oo waaweyn baa laga diiwaangeliyey oo waxa ay kala ahaayeen ASAD iyo KULMIYE, run ahaanna siyaasiga dhalinyarta ahi dookh buu leeyahay aniguna ASAD maan raacin ee KULMIYE ayaan raacay, 2003 [doorashadii madaxweynaha] waan la dhacay xisbiga oo waa tii sideetanka cod uu madaxweyne Siilaanyo ku tanaasulay” sidaa ayuu yidhi Maxamuud Raage oo halkaasi khudbad ka jeediyey, waxaana uu intaa ku daray isaga oo ka sheekaynaya shucuurtiisa markii uu xisbiga KULMIYE doorashadii madaxweynaha ee 2003-dii galay intaan si rasmi ah loo shaacin natiijada ay suuqa soo gashay in KULMIYE helay balse markii dembe ay sida kale u dhacday, waxaana isaga oo maalintaasi ka hadlaya shucuurtiisa iyo sanqasho uu wakiilkii xisbiga ee Komishanku ku muujiyay in ay guusha heleen uu yidhi “Muuse [guddoomiyaha haatan ee KULMIYE] ayaa markii uu dibada uga soo baxay [komishanka] isaga oo gacmaha kor u taagaya inaanu badinay baanu moodaynay, markaa annaga oo guul ku seexanay oo xataa hablihii feedheen oo inaanu badinay moodayna baa nasiib darro haddana sideetan cod aanu ku tanaasulnay”.

Maxamuud Raage waxaa kale oo uu farta ku fiiqay waxyaabihii sababay in uu xisbiga KULMIYE ka baxo oo uu tilmaamay in ay jireen waqtigaas waxyaabo uu saluugay “Hadaan saluugay wax ama aan wax diiday ama aan damqaday waxaan is lahaa faraska usha waxaa loogu dhuftaa  haka sii badiyo, xumana igamay ahayn ee lexejeclo ayay iga ahayd…Hadaan baxay oo xisbi KALE aan wax ka yagleelay meel kasii fiican [KULMIYE] ayaan doonayay” ayuu yidhi Maxamuud. Gebogabadii Muuse Biixi Cabdi guddoomiyaha KULMIYE oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweyey Siyaasi Maxamuud Raage, waxaana uu sheegay in ay isaga iyo masuuliyiinta KULMIYEBA ay guul u tahay in ay kasbadaan xoghayihii siyaasadda ee WADDANI “Maxamuud Raage sidii la sheegayba waxaa uu ka mid ahaa KULMIYE  waxtarkiisi, kartidiisii iyo aqoontiisiba waa la sheegay ana waan ku raacsanay Waxaanna leenahay soo dhawaw kuna soo dhawaw xisbigaagiii”Gudoomiye Muuse Bixii Cabdi.

Maalmaha News/Desk
Hargeisa, Somaliland

COMMENTS
Latest News