Maalmahanews.com
Kulimye Dabasocod ma noqdo oo sida xisbiyada qaar kolba raad xisbi kale qaaday ma daba gallo: Muuse Biixi Cabdi
January 23, 2016 - Written by admin

”Xisbiga Ciidanka qaranka wax ka sheegaya garan mayo anigu ciduu wax ka doonayo” Musharax Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hal celiyey hadalkii Cabdiraxmaan cirro

(Maalmaha- Hargeisa): Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna Musharax xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay hadalo dhigiisa xisbiga wadani Cabdiraxmaan cirro ka jeediyey burco, kuwaas oo uu gudoomiye cirro ku sheegay in aanay wadanin ciidamo iyo koofiyad castoona, waa siduu hadalka u dhigaye.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna Musharax xisbiga kulmiye oo la filayo inuu tartan weyn dhex mari doono gudoomiya xisbiga wadani cabdiraxmaan cirro ayaa jawaab ka bixiyey hadalkaasi mar uu manta ka hadlayay xaflad uuu xisbul-xaakimka Kulmiye ku soo dhaweeyey Mudane Maxamuud Raage oo ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee Wadani.

”Xisbiga kulmiye waa Somaliland oo dhan, waa xisbi la wada leeyahay, waa xisbi aan la kala lahayn, waa damal Somaliland oo dhan xudeedkeeda barri, galbeed, koonfur iyo woqooyiba inuu wada gaadho u taagan.

Kulimye Dabasocod ma noqdo oo sida xisbiyada qaar kolba raad xisbi kale qaaday ma daba gallo, ee hadaynu kulmiye nahay waxa inoo balan ah curin iyo qorshe aynu leenahay oo dalku ku hormaro. hadaynu kulmiye nahay waxaynu ka korney oo aynu ka waayeelney wax ka sheega axsaabta kale iyo in aynu wakhtiga ku lumino wax ka sheega dad iyo ashkaas kale.

Musharax xisbiga Kulmiye oo u duur xulaya masuuliyiinta xisbiga wadani waxa uu sheegay inuu aad ugu mahadnaqayo shacabka Gobolka togdheer oo dhawaan mar ay booqdeen si weyn u soo dhaweeyey, isagoo arrintaa ka hadlayana waxaanu yidhi ” waxaan si aad ah ugu mahad naqayaa shacabka gobolka togdheer oo si fiican noo soo dhaweeyey waa dhaweyd oo aanu gobolka hawlo shaqo ku tagney si aanu u soo dhiiri galinyo bilowgii diwaan galinta, waxaanu u mahad naqaynaa ciidanka qaranka oo Police iyo Military-ba leh sida fiican ay ula shaqeeyeen koomishanka doorashooyinka qaranka iney hir gasho diwaan galinta codbixiyayaasha qaranka.xisbiga ciidanka qaranka wax ka sheegaya cidii wax ka doonayo garan maayo iyo dalkii xisbiga ka yahay.

 

Maalmaha News Network

News/Desk
xafiiska Warqabadka

Hargeisa Somaliland

 

COMMENTS
Latest News