Maalmahanews.com
Firxadka Siyaasiyiintii ku go’doonsanaa Isbahaysigii Garabka Isbadal doonka Kulmiye Oo Qaar kood lagu Dhex arkay Xisbiga Waddani
January 23, 2016 - Written by admin

Xubnaha ayaa horeba loogu xaman jiray iney bixin jireen qaadhaanka xisbiga wadani

Xubno ka mid ahaa Siyaasiyiintii  ku go’doonsanaa  Garabka isbadal-doonka xisbiga kulmiye ayaa markii ugu horaysay si wayn looga dhex dareemay Safarkii Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani uu ku Marayey degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaad Gobalka Togdheer.

Xildhibaano iyo wasiiro Hore awood badan ugu lahaa  xukuumada Madaxwayne Siilanyo iyo xisbiga Kulmiyeka hor intii aan khilaafku soo kala dhex galin  ayaa mar kaliya shaaca ka qaaday warar tuhun ah oo sheegayey in safarka Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ay wahelinayaan siyaasiyiin ka tirsan isbadal-doonka kulmiye .
siyaaasiyiinta Safarka sida tooska ah looga dhex arkayey waxa ka mid ahaa Gudoomiye ku Xigeenka labaad ee Xisbul-xaakimka Kulmiye Maxamed Xaaji
Yuusuf Waabeeye, iyo Wasiir kuxigeenkii hore ee wasaarada Ganacsiga Somaliland, Bashiir Cabdi Xariir oo mar qudha ka soo dhex muuqday waftigan Xisbiga Waddani ee wacyigalinta iyo dhoola-tuska taageero ee gobalka togdheer safarka ugalay.
xogo kale oo aan si toos ah usoo shaac-bixin ayaa sheegaya in wasiirkii hore ee Wasaarada Madaxtooayada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan uu Saamayn ku lahaa safarkaa Xisbiga Waddani siiba Diyaar-garawga iyo abaabulka Deegaanada Bariga Magaalada Burco.
In kasta oo aanay wali masuuliyiintan xisbiga kulmiye ka tirsani shaacinin meel ay kaga tanaasuleen xilkii iyo xubin-nimadii xisbiga KULMIYE iyo Garabkii ay ka tirsanaayeen ee isbadaldoonka kulmiye la baxay waxa muuqata in kooxdan isbadal-doonka Xisbiga Kulmiye ay yihiin kuwo ka rajo go,ay in ay heshiis ka gaadhaan khilaafka ba,an ee kulmiye iyo hanashada damacoodii siyaasiga ahaa taasina waa ta keentay in ay u soo xagal dabcaan Xisbiga Mucaaradkaa ee Wadani sidii ay xubno uga noqon lahaayeen ama ay siyaasadiisa uga qayb qaadan lahaayeen.
Maalmaha News/Desk
Hargeisa, Somaliland

COMMENTS
Latest News