Maalmahanews.com
DEG DEG :- CIIDAMADA QARANKA SOMALILAND OO DHAAWAC IYO DHIMASHADII UGU BADNAYD GAADHSIIYEY KOOXDA KHAATUMO KA DIB WEERAR GAADMO AH OO AY KU SOO QAADEEN
January 23, 2016 - Written by admin

Hargeysa(Maalmaha-News):- Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyey hiirtii waaberi saddexdii dagaal gaadmo ah ay kusoo qaadeen kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo, jawaabtan ay bixiyeen ciidamada qaranku ayaa dhabar jab ku noqotay kooxdaasi dibad wareega ah, warar aanu hada ka helayno Deegaanka kala baydh ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh kaaso oo soo gaadhay Kooxdaasi.

Wararka aanu ka helay degaankaasi ayaa sheegaaya in laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyada oo ay ciidamada Qaranku jebiyeen kooxdaasi weerarka soo qaaday xalay islamarkaana ay ku dhufteen dhirbaaxo aad u adag , dhirbaaxada quwadeedu saray ee ciidanka qaranku gaadhsiiyeen kooxda nabad diidka ah ayaa ahayd dhirbaaxo ay adagtahy siday uga soo kabtaan.

Khasaaraha Ka dhashay Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa inay jirto dhimasho badan iyo dhaawac aad u tiro badan oo gaadhay kooxda nabad diidka ah ee uu hogaamiyo fidmo wade Cali khlaiif galaydh, sidoo kalena dhiilada ayaa laga dareemayaa magaalada buuhoodle.

sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugan Magaalada Buuhoodle ayaa noo xaqiijiyey in khasaarihii ugu weynaa uu soo gaadhay kooxda khaatumo ee xalay hiirtii waaberi weerarka kusoo qaaday ciidanada qaranka ee ku sugan deegaanka Kalabaydh, ilaa hada ma jirto meel la geeyey maydadka iyo dhaawaca khaatumo

Source:-Warsugan

COMMENTS
Latest News