Maalmahanews.com
Indhahaygii Meeye
January 22, 2016 - Written by admin

W/Q: Maxamed Aadan Tarabbi

Waa gabadh ku jirta xilligii waxbarashada dugsiga sare, waxay ka soo jeeddaa reer diimeed quraan ruug ah, dhererkeedu waa gobol, midab ka aabbaheed bay ka raacday oo waa maarriin ka dhalaala, waa gabadh jimcoon oo isku dhafan, waxa ka muuqata ladnaan baahsan oo illaa caruurnimo soo taxan, timaheeda maan arag laakiin waxa la xisaabiyaa dhinaca quruxda. Waxay ahayd gabadh aad u samir badan oo qabna leh, may jeclayn nolosha ayaayuf ka ah, hammigeedu wuxuu ahaa guri rays leh oo cagaaran iyo caruur qurxoon. Dhawr goor way ku gacan saydhay shukaansi gacan togaalayn ah waanay ka gaashaamatay nolol ku meel gaadh ah.

Waxay la nooshahay hooyadeed iyo aabaheed, reer kooda iyadaa ugu weyn, waa curad isha lagu hayo, iyana taas way og tahay. Hooyadeed waxay ku tidhaah daa; “hooyo adigaannu kaa sugaynaa abaal iyo baannashaba” waxa lagu layliyey wax qabso waxna noo qabo. Odayga aabbaheed wax buuran gacanta kuma hayo waa shaqaale dawladeed oo mushahar caato ah qaata, wuxuu u badan yahay masaajid ka iyo safka hore.

Yaasmiin Waqti duhura ayey ka soo baxday dugsiga sare ee Faarax Oomaar ee magalaada Hargeysa, in kastoo cadceed aad u kululi jirto, waad garan kar taa xilli duhura oo huur iyo kulayl ba jiro, ardaydu buugta ayey dhafoorka saaraan wiilal iyo gabdho ba, iyagoo raxan raxan ama laba lababa u sheekaysanaya.

Yaasmiin waxay aad u jeclaan jirtay inay kali ahaato, haddii laga tagi waayo waxay sheekada ku darsan jirtay Ubax oo ay isku gedo ahaayeen. Waxay soo hormartay Fooqii Jinka, ee marka la hormarayo shaydaan ka hoos iyo korba loo naari jiray, iminkana ah Imprial Hotel, waxay doonaysaa inay raacdo baska Jigjiga yar.

Waxay soo gaadhay halkii ay baska ka raaci jirtay ee gidaar ka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, waxay madaxa galisay kolay qaad oo aan suuq badan haysan oo islaan la yaidhaahdo Xaawa ay xoogaa (Da’dar) ah ku iibiso, da’dartu waa nooc ka mida jaad ka Itoobiya. Islaan ta maalin kasta way isa sii salaamaan, islaan tuna way iska jeceshayhay Yaasmiin, waayo islaamuhu way jecelyihiin hablaha iska dhukusa.

Baskii aad buu u raagay, oo maxaa ku dhacay tolow baska, dee maxaa ku dhici lahaa Xisbiyaa kiraysanaya hadday doonaane waligaaba sug. cadceediina aad bay ugu soo dhawaatay Yaasmiin, iyo Xaawa qaad lay, buugaagteeda ayey isku babisay, aad bay u dhididay illaa uu ka soo dagay timaheeda, kana soo dareeray qoorteeda dheer isagoo sii dhex mushaaxaya labadeeda naas iyadoo dareemaysa qabow iyo neecaw macaan markay is babiso.

Goor danbe ayaa meesha waxa isa soo yuubay nin da’da dhexe ah, gadh madoobe xooggan ah, Xaawa qaadlay ayaa habaryar u ah, gaadhiga ka muu soo dagin dhinaca ayuu ugu soo qabtay, isagoo salaamaya Xaawa illeen waa habar yartiiye, laakiin salaantu way ka shisheysaa. Xaawa way yaabban tahay, waayo waligeed inuu dhaafo mooyee muu soo ag istaagin, maantase waa waji cusub iyo bariido cusub. Ishiisu way dhaafsan tahay meelaha kan dhaw. Xaawa waxa niyaddeeda ku soo dhacday inay ku tidhaahdo inanta ii qaad, oo waaba jaanis ka uu rabo alla nasiib badanaa. Wali guri aad rabtay roob ma ka gashay?

Markaasay tidhi; hooyo “inanta ii sii qaad” reer magaalinimo ismu qaddimin uu yara aamusay markaa suu yidhi walaal xaggaad daggan tahay, waxay tidhi walaal Jigjigayar, hadddana inyar buu aamusay oo is yara afuufay calaashaan yaan lagaa garan, hadda iyadaa buu u socday oo xagguu u socday haddaa? Wuxuu u socdaa waa Yaasmiin oo gacan xalaali korisay jidh xalaala oo dubaaxinayana la fadhida Xaawa qaadlay agteeda.

Goor danbuu yidhi ina mari walaal, markaasay haab haabatay buugaagteedii, Xaawana labada dhaban ka sii dhun katay. Gaadhigii bay kursiga danbe dabada saartay, isaguse wuxuu jeclaa xagga hore, oo waayo? Dee qoortaa ku daashay siduu kolba u qooraansanayo, shilna uu ka baqayaa, muraayadda dhexe ayuu ka la socdaa, wuxuu aad u egayaa labadeeda bishmood ee  muudsiga ku fiican, iyo wajiggeeda oo uu aad uga helay. Wuu jeclaan lahaa inay hagoogtu ka yara xumaato oo uu halkaa ka qooraan sado laabteeda iyo qoorteeda, balse way gaashaaman tahay, waana gabadh digtoon.

Magacii iyo muuqiiba laysu baray, laysna toyey, aabbaheed iyo adeeradeed ba uu gartay, ka qoray lanbarkii, goor danbe ayey gurigii gaadheen, markaa suu yidhi; oo dhawaa gurigu, markaasay tidhi haddaan baska soo raaci lahaa mar horaan iman lahaa ee waad sheekaynaysay.

Goor habeennimo ah oo ay isu diyaarisay hurdo ayuu soo wacay lanbar kiisa waxay ku qoratay Sheeko, iyadaa ula baxday oo maxay Sheeko ugu bixisay? Maaliin tii uu soo qaaday ayey yara karahday oo uu aad sida idaacadda ugu fatahay sidaa awgeed bay ugu qoratay Sheeko, telafankii ayey ka qabatay. Salaan iyo salaan teed ka dib wuxuu bilaabay inuu warkiisa iyo noloshiisa aad uga warramo si loo aamino.

Wuxuu u sheegay inuu reer USA yahay, isla markaana uu yahay aasiyaan reer Hargeysa ah, inuu guursaday gabadh inaadeertii ah balse ay kala tageen, wax caruurana aanay u dhalin. Yaasmiin waxay weydiisay magaciisa oo saddexan waanuu u sheegay waxayse ka heshay magaciisa koowaad oo waa Mukhtaar.

Magacii Sheeko Mukhtaar ayey ku baddashay, waxaanay abuurtay jawi lagula sheekaysan karo, oo aad u daggan, inta badan Mukhtaar baa soo waca iyaduna waa jawaabe fiican oo la gorfaysa hadba hadalka siduu u soo dhigo. Waxay jeceshay diinteenna macaan kamuu waalin wuxuu la wadaagay fikirkeeda diiniga ah, waxa kasta dhinaca diinta ayey ka eegtaa isaguna kama hor yimaaddo.

Muddo toddoba bilood ah ayey sheekaysteen, si fiican ayey ugu bogtay, waana ninkii ay ku riyoon jirtay, waxay u aragtay inay heshay nin keedii, daal danbe iyo haasaawe danbana in laga gudbo way u bislaatay. Wuxuu soo bandhigay guur, si fiican oo gobonnimo leh ayey uga ajiibtay, waxa loo ballamay in la bilo oo la ballaysimo maysin lagu kulmo, iyo madal barkhadeed.

Meher kii qarniga iyo aroos kii saban ka ayuu isu barkiyey, qaar kamida ardaydii Faarx Oomaar waxay ahaayeen kuwo la qaybsada farxadda Yaasmiin. Guri fiican oo aad u qurux badan ayuu dajiyey, gaadhi iyadu iska leedahay iyo hablo u shaqeeya, ayuu ku xeeray. Ma cidlooto gurigeeduna waa guri qaran nolol aad u wanaagsan ayuu abuuray runtii. Ismay odhan habeen ayey dhibaato kaaga imanaysaa Mukhtaar laakiin bahal caydhin ma daayo ninna caaddii ma baajo.

****************************************************

Waxa soo baxay wajigii runta ahaa, iyo dhaqankii uu qarsanaayey, habeen walba gurigu waa ku cidla Yaasmiin, quruxeey ba’ illeen quruxdu waxay qiimo leedahay marka lagula joogo, waliba ta dumar ka. Habeen walba waa u soo jeed, iyadoo xammaaladdii xidhan oo gurigii uunsigu is dhaafayo ayey sariirtta kolba dhinac ka eegtaa, xaggan isu rog ma joogo, xaggan u jiifso adaa sheegaya, oo xaggee buu qabtay tolow? Magalaada miyaanu joogin? Mayee uu joogaa meelna muu tagin oo haddaa xammaaladdan bilaa badhan ka ah ee waxa wanaagsan ku dhex jiraan, iyo waxan oo diirimaad iyo kulayl ah, muxuu ugu iman waayey, khrash ka faraha badan ee baxay ayaa igaga daran, quruxda Yaasmiin.

In muddo ah ayey ku jirtay inay kaligeed soo mutaxnaato, gaadhigii daaqadda soo istaagaba waa isagii mayee maaha, habeen ka mida habeennada badan ee Yaasmiin ku dheeraday ayey wacday markaa suu ka qabtay lana hadli waayey, waxay maqashay cod aad u hooseeya oo uu lee yahay aamus aamus waxay is waydiisay yuu aamusiinayaa? Muxuu kuula hadli waayey? Mooyi ama mooji.

Dhaqan ka wanaagsan ee dumarka Soomaalidu waa waxay dheeryihiin dhiggooda, gurigaa waxa jooga ilaaliye xoog badan oo fitir iyo faatir u kala tuuraya wixii loo diro, amaba ay u yeedhan karto, waayo qofka shaqaalaha ah ee jilicsani amarka uu u nugulyahay. Ama illayn waa xore kabaheeda intay xidhato ayey iska soo dukaan san kartaa sidiisa, laakiin haween keennu waa gob, ee innagaa gumayna.

Qaad kuma oga, balwadna kalana umuu sheeggan, waa ninkii ayaadaha quraanka la akhrinayey, haddana Yaasmiin wax walba waxa kaga daran, sariirtan iska giigsan ee aan habeenna go’eedu jactadayn. Dumar ku waa cajaa’ibe waxa loo sheegay in ninkeedu naago ku xidhan yahay oo la tunto, ma naago kalaa waa heblaayo iyo heblaayo waaba ceeshow milixdii, waa dadkii ay isugu dhawaayeen nolosha.

Warwar badan ayaa soo food saaray ma naag waxan taqaannaa, aqoon daaye mabay filayn sheekadan. Habeen walba waa u soo jeed, waxay dareemaysaa xanuun badan oo nafsaani ah. Subaxa hore ayuu guriga ku soo dhacaa isagoo daallan oo xalay laysu dhiib dhiibay.

Dumar ku waa gobe waxaas oo dhibaato ah oo ay ninkeeda ku qabto hooyadeed ma oga, waxba ma sheegaan markay ku rabaan marka kalana adaa ii sheegi waxay sameeyaan. Mukhtaar habeenno is xiga ayuu gurigiisa fiid yimi xoogaa gogashuna iska yara jactadday, Yaasmiinna way cokonayde ilaahay ballankii ay barqo iska toostay. Sidii dhaqan ku ahaa quraac beer ah oo kulul ayey wadaageen, Yaasmiin waxay farxad badan ku qabtaa gurigeeda iyo nolosheeda, Mukhtaarse telefoonadaa ku badan iyana way aragtaa. Way xanuun badan tahay markaad nolosha la wadaagto qof aan kula jacayl iyo dareen ahayn.

Miyuu waan toobayaa, habeen walba waa u guure. Yaasmiinna waa u galgalasho, waxay nafteeda ku hiiftaa Xaawa qaadlay iyo galabtii uu ka soo qaaday kolaygeedii, waxay aad u xasuusan tahay noloshii Faarax Oomaar iyo sidii loo jeclaa, wacnaan lahaydaa in maalmaha dib loo celiyo, fiicnaan lahaydaa inuu qofku u noolaado siduu isagu jecelyahy, adduunyooy, adduunyo. Waxa guursaday nin ninna maqabo oo ninkeeda sawka magaalada jooga maaha, iyada uma joogo dar kale ayuu u joogaa, oo nin ka ma waxbaa ka siya?

May dhalaal ma qabo, sidan ayaa la fiican inuu u noolaado, naagtii horaba waxay kaga carartay cibaaradan. Yaasmiin waa qof aad u edeb badan waana ta keentay inuu waxbaba iskaga tirin waayo,  xataa umay sheegin dhibaatadeeda hooyadeed, ceebbay la tahay inay ninkeeda ka dacwooto, waaba ceebe.
Waxa dhimatay Yaasmiin habaryarteed, subax bay ka jarmaadday gurigeedii waxay afka saartay xaggaa iyo geed ka dheenta si ay uga soo qayb gasho tacsida. Goor duhuradii ah ayey gaadhay marxuumaddii oo la aasay, ducadii iyo quraan akhriskii ayey dhinaceeda ka gashay, toddoba maalmood oo gogosha tacsidu taallo ayey iyana la fadhiday gogoshii tacsida.
*******************************************************************
Mukhtaar hawshiisuu wataa, waxba ka qalali maayaan, wixii dhintay yeelkooda, goor fiid cawl ah ayuu gurigii Yaasmiin u soo hullaabtay, waxa la socota Rooda, oo Roodi waayo? Waa gabadh Soomaaliyeed oo uu la saaxiibey gurigana la yimi. Qaraam iyo qiiro ayaa lagu qayilay heesaha qaarbay la jiibanaysaa, waynakaa haddaba, waynakaa. Hoosta wuxuu ka leeyahay ha soo noqon, daari kugu duntay Yaasmiineey habaar buu hoosta uga miisayaa.Iyadoo qaad kii la dhammaystay, la cadayday, dabadeedna darmadii la tagay, oo la baashaalayo ayey gurigeeda timi inkaar ku dhcaday xagay ka timi? Waxay ka timi tacsidii ma ila socota? albaab ka hore ayey iska furtay. Gurigu waa fooq markaasay alaab yaroo ay sidatay sii dhigatay jikada, jaran-jarrada ayey fuushay qolkeedii hurdada ayey beegsatay, intaanay galin ayey maqashay taah, yaab tay naa malaa waa dhahaaga, markaasay haddana maqashay guux hoose, markaasay tidhi  naa ma jinbaa cuudu billaah, indhahay ku dhufatay kabo dumar oo horteeda yaalla.Indha madoobaad iyo yawmal ciqaab ayey indhaha saartay, oo maxay saartay? Waxay saartay Mukhtaar oo feedho qaawan iyo Rooda oo bilaa keeshali ah.
Naftu orod bay kugu aammintaa, cagaha ayey wax ka dayday oo maxay samayn
lahayd hadii aanay cararin? Waxay dooratay dariiqii ugu habboonaa, haday qayliso qaylo iyo buuqba waa loo hayaa, hadday daagalanto Mukhtaar iyo saaxiibtiis biyo u kabban maayaan.
Mukhtaar fadhiga ka muu kicin oo muxuu uga kacayaa, waa nin badheedhaye bal muu cirka jeex soo dumo, booliiska Ohaayo ayaa waxba ka qaadi waayey oo isa soo dhaafiyey. Riwaayad uu ka ballabay nin kani. Saqdii dhexe ayuu Rooda qaaday oo geeyey meeshii ay jiifsan jirtay, oo tiina meeday? Mooyi waa tii carartay furuq loo keen, waar waxaas ayaa nala daba dhigay, hoos buu u guuxayaa Mukhtaar, wuxuu hoos u hiifayaa Yaasmiin.*********************************************************
Yaasmiin koomo ayey gashay, dhakhtar ka weyn ee Hargeysa ayaa la dhigay, Mukhtaar halkaas ayuu ku booqday indha adagaa ayaad hoosta ka leedahay. Lacag ayuu ku furfuray odayaashii, xaal gola jooga ayuu dhigay, xeeladna waa isticmaalay. Duduuc iyo duco ayaa lagu soo celiyey Yaasmiin, waa nin kay ogayd caloosha waxay ka leedahay, aabahaana waa miskiin adeer rumana malihid, walaal aad irkato oo kaa waynina ma jiro.Yaasmiin Haddeer uur bay leedahay toddoba bilooda, waxay u yeedhatay walaasheed oo midi u dhaxayso, amaba tii reer ka ugu yarayd, ma yaree waa gabadh 16-jir ah oo is buuxisay, si fiicanna u cammiran. Hodan waa galaas ka siddeedaad ee dugsiga hoose dhexe 31-ka May, karti iyo karaamaba way leedahay, waana baarriyad wanaagsan oo hayelsan.Hodan waa inan yar oo wanaagsan, waxay gurigan u timi inay walaasheed oo uur leh caawiso. Mukhtaar si fiican oo ayuu ugu soo dhaweeyey guriga, iskuulka isagaa geeya kana soo qaada, markay adeega doonayso isagaa sii qaada, waji furan ayuu tusay. Marar ka qaar kood Tiifiiga ayuu iskala daawadaa, aad bay isu sheeko barteen.

Hodan maalmihii guriga ay timi way ka qaloon jirtay, haddase kama qalooto. Isaga qudhiisu intan danbe guriguu u batay. Dumarka markay uurka leeyihiin waxa ku dhaca wax la yidhaahdo “Jajabow” Yaasmiin ayuu Jajbaow haleelay, markiiba Mukhtaar baa la booday dhakhtar ka ayuu kula orday, iyana waa uguboo may odhan waar ma dhawi, foolna ima hayso. Habeen kii bay dhakhtarkii u hoyatay.

Mukhtaar iyo Hodan oo kaliya ayaa gurigii ku soo hadhay, Tiifiiga ayey iska daawadeen, wuxuu ka qaaday Moobilkeeda si hoose oo aanay dareemayn ayuu u damiyey, kiisuna waa u dansan yahay, Hodan wax dooc iyo dareen ah kuma jiro waxay ka fikiraysaa walaasheed, Yaasmiin.

Mukhtaar, damac baa galay, haa wuxuu damaaciyey bilcantan yar ee ag fadhida, uu u soo gurguurtay gabadhii yarayd ee Hodan, inan yar oo ugub ah, oo uu walaasheed qabo, ayuu isu soo qaawiyey, waxaase xanuun badan kalsoonida uu tusay Hodan, iyo siduu u soo weeraray. Hunguri xumaa, hungurigee, maxaa xun qof ku hadduu baasaboor haysto lacagna haysto maba xuma.

Hodan ayuu dagaal cir iyo dhul ah ku qaaday, Hodan may noqon hebad layska salaaxo oo laga muraadsado, way diiday. Dagaal adag ayuu ku qaaday, way haysan kari wayday wexeedii yaraa, oo miyey ka haysan gartaa 40-jir buuxsamay oo laf iyo ludba buuxa. Bannaan ka ayuu dhigtay oo waliba uu raqay sida waraabaha yur, yur, yur waa ba waraabe, waraabahaa dhaama kan.

**********************************************************
Telafankii ninku uu xidhan yahay, kii Hodanna khadkaba kuma jiro, gurigiina shil baa ka dhacay. Yaasmiin labadii telefenba way ku daashay siday u soo wacaysay waagii baa galalac yidhi. Dareen baa galay Yaasmiin waayo waxay taqaannaa Mukhtaar, wadnuhu gaw, gaw, gawdaasuu hayaa, bal adigu qiimee hooyo uur leh oo haddana dhibaataysan. Gurigeedii ayey nabad timi, waayo waxay haysataa fure aayar bay iska soo gashay, juuqna oo haddana jaaqna, jaranjarrda ayey soo qabsatay, illaa ay ka imanaysay xagga sare ee guriga.

Guriga waxa ka jira xaalad argagax leh. Hodan oo bayhooftay, toban jeerna gidaar ka uu ka soo jaray, looma warramin labadeeda indhood ayey wax ku aragtay .Go’aan adag ayey qaadatay, waxay u dagtay raarta hoose ee aqal ka, kijada ayey hoosta ka soo xidhatay, gaas ayey madaxa iyo oogada oo idil ku rushaysay, kabriid bartan yaalla ayey madaxa saartay bug, hayaay, hayaay, hayaay, hayaay, cid u gurmata may helin, oo waayo? Waxay joogtaa dabaqa hoose, Halkaasay ku huruushootay, Yaasmiin.

Hodanna way dareen tay qaylada walaasheed, xagga hoose ayey u soo dagtay waxay garaacday kijadii oo miyey furmaysaa, sawtii hoosta ka xidhnayd, Mukhtaar baa caawiyey oo laad ku furay.

Markii ay labada indhood ka qaadeen iyada iyo Mukhtaar dhimashada Yaasmiin, laba go’aan ayey kala qaateen, Mukhtaar kabo la’aan ayuu guriga kaga baxay, Hodanna way isku dul gubtay walaasheed. Mukhtaar isla subaxiiba Itoobiya ayuu gaadhi u raacay dibna looma arkin. Hooyadii dhashay labada hablood markii loo sheegay geerida hablaheeda waxay tidhi “Indhahaygii meeye”.

Maxamed Aadan Tarabbi
Facebook Maxamed Aadan Tarabbi,
Bulay571@gmail.com
Saint Louis, USA.

COMMENTS
Latest News