Maalmahanews.com
War DegDeg ah: Ciidamada Booliska Hargeysa Oo Rasaas Nool U Adeegsaday Wiil Dhalinyaro Ah iyo Wiilka Oo Maydkiisa la Geeyey Cusbitaalka Hargeysa
January 19, 2016 - Written by admin

War deg deg ah oo hada soo gaadhay xafiiska war qabadka ee shabakada Wararka RamaasNews ayaa waxaa ay sheegayaan in goor dhaweyd ay ciidamada booliska ee saldhiga Maxamed Mooge ay toogasho ku dileen wiil dhalinayaro ah oo ana gaadhin 20 Jir

Wiilkan dhalinyarada ah oo lagu Magacaabo Daahir Cabdilaahi Jaamac ayaa uu markii hore aabihii soo xidhay  waxaana  uu isku dayey wiilkaasi in uu ka baxsado gaadhigii ciidamada ee uu saarnaa isla markaan uu  ka booday xaajiyadii booliska  waxaana ay ciidamaadii waday wiilkaasi aabihii soo xidhay ay  kaga fal celiyeen in ay rasaas nool u adeegsadan Iyagoo tahli karayay inay soo qabashadiisa  iyaga oo ku dhuftey laba xabo oo rasaas.

Hadaba mar aanu la xidhiidhnay ehelada marxuumkan waxaa ay noo sheegen in ay diideen in la aaso marxuumkan oo lagu magacaabo Daahir Cabdilaahi Jaamac isla markaana Uu Hada yaalo maydkiisu Cusbitaalka waynee magaalada Hargeysa  Sidoo kalena waxa hada la keenay xarunta danbi baadhista 4 askri oo ka mid ahaa askartii gaadhiga la saarnaa marxuumka ay Ciidanku Dileen.

Sidoo kalena Waxay ahayd Xalay markii Nin Muwaadin Somaliland Lagu dilay Gudaha Magaalada hargeysa gaar ahaan Xaafada udhaw garoonka Kubada Cagta ee STUDIUM HARGEYSA, aana la garanayn Cida Dishay balse ay ciidanka hargeysa ku Daba Jiraan Dadkii Ka Danbeeyey Dilka Ninkan, Isagoona aan Wali la aasin Marxuunkaa kalana.

Waxii warara ah ee ka soo kordha warkan kala soco shabakada wararka ee

COMMENTS
Latest News