Maalmahanews.com
WASIIRKA BEERAHA SOMALILAND OO HOR ISTAAGAY RIIG BIYOOD LAGA QODAYAY DEEGAANKA WAALID XOOR EE DAGMADA ALLAYBADAY
January 18, 2016 - Written by admin

Wasiirka Beeraha Somalilanda Dr Maxamed Aw Dahir ayaa si badheedh ah u hor istaagay Riig Biyood lagu waday in laga qodo Deegaanka Waalid Xoor ee Degmadda Alllaybaday ee Gobolka Gabiley kadib markii ay Wasaaradda Maaliyaddu heshay qaylo dhaan ka timid deegaankaasi oo surmi dad iyo duunyaba loogu dhimanayo,aadna uga fog goobaha ay biyo dhaamiska u tagaan,islamarkaana shirkad gaar loo leeyahay ay soo sahamisay soona ogaatay in cabir dhaw biyo looga gaadhayo deegaankaasi. Warar Madax Banaan oo aan ka helnay Qaar ka mid ah Gudida horumarinta Degmada Allaybaday iyo Cuqaal Hargeysa u yimid arinkan ceelka ayaa noo xaqiijiyay in Wasiirka Beeraha Somaliland Dr Cabdi Awdaahir si cad u hor istaagay in Biyo loo soo saaro dadka ku dhaqan deegaanka Waalid Xoor ee Degmada Allaybaday oo abaar laba jirsatay ku dhufatay islamarkaana laga dayriyay nolosha dad iyo duunyo wixii deegaankaasi ku dhaqan.waxa ay noo sheegeen in 20- oday oo ka mid ah Dadka deegaankaasi markii hore ay ka codsadeen Wasaaradda Maaliyadda inay ka caawiso Kharashka in ceel biyood loo qodo islamarkaana ay warqada codsiga ah ku soo hagaajiyeen Wasaaradda Maaliyadda,iyagoo codsigaasi ku soo lifaaqay baahida biyo la’aaneed ee deegaankaasi ku habsatay islamarkaana saamaysay Dad iyo Duunyo,codsigaasi oo Islamarkiiba ay Wasaaradda Maaliyaddu ka aqbashay. Waxa loo diray deegaankaasi Shirkad Gaar loo leeyahay oo Xukuumadda Somaliland iyo

dadka shacabka ahba ka caawiso sahaminta Goobaha ay ka dhaw yihiin biyaha dhulka hoostiisa ku jiraa,shirkadaasi oo la yidhaahdo SHAAC Consulting PLC. Gudida Horumarinta Degmada Allaybaday ayaa Warbixintii ay shirkadaasi ka soo saartay deegaankaasi ee ay ku sahamisay inta Mitir ee Biyaha dhulka hoos mara laga gaadhayo u gudbiyay Wasiiradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan. Sida ku cad Qoraalka Codsiga ah ee Gudidani oo ay ku saxeexan yihiin 6-da xubnood ee gudidu ka kooban tahay ay u gudbiyeen Wasiirada waxa ay u dhigeen Sidan “Wasiir waxaanu halkan kuugu soo gudbinaynaa lifaaqa “Servey” sahaminta Biyaha oo soo dhamaatay ,taasi oo ay soo saartay shirkada magaceeda la yidhaa SHAAC Engineering Consulting PLC,waxaanu kaa codsanaynaa in aad noo fududayso sidii hawshaasi u dhamaan lahayd” ayay qoraalkooda ku soo koobeen. Intaa kadib waxa ay wasiir Samsam Amar ku bixisay in Ceelkaasi qodaalkiisa la bilaabo,iyadoo Wasiir Samsam diyaarisay kharashkii Ceelkaasi lagu qodayay. Sida la noo sheegay Wasiirka Beeraha Dr Cabdi Awdahir, oo markii hore Gudida hawshan la waday islamarkaana qaybtiisa laga qaaday kharashkii ay qaadatay shirkada biyaha soo sahamisay oo Dadka deegaanka biyaha loo qodayo laga qaado, ayaa markii dambe Wasiir samsam u geeyay codsi gaar ah oo uu ku doonayo in Ceelkaasi loo soo wareejiyo Beer uu ku leeyahay Deegaanka Gees-dheere oo wax yar uun koonfur ka xiga Degmada Arabsiyo islamarkaana ay ka qodan yihiin Ceelal kale oo aanay oolin baahi biyood lamid ah ta haysata dadka degan Deegaanka Waalid Xoor oo noloshooda biyo la’aaneed cirka marayso.Waa ay ka qabatay Codsigaasi Wasiiraddu waxaanay u yeedhay Gudidii Reer Allaybaday ee Hawsha La waday. Kulan gaar ah oo Wasiir Samsam ay la yeesheen dhawaan Gudida Horumarinta Degmada Allaybaday ayaa waxa ay ku tustay Warqada Codsiga ah ee uu ukeenay Wasiirka Beeruhu ee uu ku doonayo In Ceelkaasi loo duwo Beer ku leeyahay deegaanka Gees-dheere oo koonfur ugu toosan Arabsiyo.Waxa ay gudida kula talisay inay Wasiirka beeraha ugu tagaan Xafiiskiisa oo ay arintan kala soo xaajoodaan. Islamarkiiba Waa ay u tageen,dabada ayay ka soo kaxeeyeen waxaanay hor keeneen Wasiir Samsam iyagoo sida la sheegay intii ay dhexda ku soo jireen ku soo caanantay. Wasiir Samsam ayaa indhaha kaga dhacday Wasiirka Beeraha kuna canaanantay inuu Riiggan ay dirqiga ugu soo heshay dadkan bakhtiyaya faraha ka qaado,waxa ay ku tidhi“Waar Dadkan Wasiirkoodii Ayaad Tahay Ee Faraha Ka Qaad,Waar Kan Aniga Ayaa Keenaye Orod Oo Mid Aad Beertaada Ka Qodoto Awoodaaada Wasiirnimo Kula Soo Bax,Oo Masaakiintan Haraadan Ee Soo Qaylinaysa U Daa Haloo Qodee Illayn Iyaga Codsigoodii Ayuu Riiggani Ku Soo Baxaye”. Baytkaasi markii wasiir Samsam umarisay Wasiirka Beeraha iyagoo Gudidiina dhagaysanaya ayuu wasiir Samsam ka codsaday inay riig kale la doonto waxa ay ugu jawaabtay inaanay imika wax diyaar ah haynin ee ay kanba dirqi ugu soo saartay. Isla

maalintii Riigu u ambabaxayay deegaanka uu biyaha ka soo qodayay ee WAALID Xoor ee la balansanaa ayaa waxa uu ninkii Riigga lahaa ku wargaliyay Gudida horumarinta Allaybaday in Wasiirka beeruhu amar ku siiyay inaanay riigaasi soo qodin oo la isku haysto, islamarkaana aan lagu heshiinin wali halkii laga qodayay RIIGAASI. Wali Riigaasi waxa uu u xaniban yahay amarkii Wasiirka,dadkii deegaanka ee loo ogolaadayna Cuqaashoodii waxa ay ku sugan yihiin Hargeysa,waana fadeexad hor leh oo dul heehaabaysa Wasiirka Beeraha oo deegaankii iyo dadkii uu wasiirka u ahaa halkii uu ka badbaadin lahaa duulaan ku ah noloshooda.

COMMENTS
Latest News