Maalmahanews.com
Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Oo Sheegay In Muuse Biixi U Qalmo Inuu Noqdo Madaxweynaha Somaliland
January 18, 2016 - Written by admin

Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa shacbiga reer Somaliland ku booriyay inaanay doorashadda Madaxtooyadda ee fooda innagu soo haysa wax ku dooran qabiil ee ay qiimeeyaan tayadda iyo waxtarka qofka murrashaxa ah.waxaanu ku dooday in Muuse Biixi Cabdi u qalmo inuu noqdo madaxweynaha Somaliland.

Sudlaan Maxamed waxa uu sidaas ku sheegay hadal kooban oo uu shalay ka jeediyay soo dhaweyn duleedka Barri ee caasimadda Hargeysa loogu sameeyay Guddoomiyaha ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbul xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayay oo ku soo laabtay caasimadda ka dib markii ay soo dhammaysteen socdaal la xidhiidhay wacyigelinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo ay ku soo mareen degmooyinka gobolka Tog-dheer.

COMMENTS
Latest News