Maalmahanews.com
Sheekh Dirir: “Ninkii yidhi culimadu waa jaahiliin-way iga Qur’aan badiyaan, laakiin wax kale ma hayaan, baarlamaan lama qabno yidhi lama hayo?…”
January 18, 2016 - Written by admin

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa shaaca ka qaaday in nasteexada culimmadu weligood soo wadeen laakiin dadka XAQA neceb, qaar xoog kaga jawaabi jireen, kuwa aan xoog hayna (waa sideenee) dacaayado warbaahinta uga jeedin jireen, si culimmadu u habrato, oo uga laabtaan.

Khudabadii Jimcaha oo sheekh Dirir si weyn uga digay bulshada halista ka dhalan karta xeer jidaynaya qaadashada Ribbada oo Baarlamaanku xilligan doodiisa ku jiro, isla markaana nasteexadii uu u soo jeedinayey bulshada iyo goleyaasha sharci-dejinta sii wada waxuu sheegay,

“Hadii masaladu taagan tahay shaygaa heshiiskiisu ma xalaal baa mise xaaraan, waxa loo yeeshayaa culimada shareecada, wasaarada Diinta iyo Awqaafta ayaa dawladu u samaysatay arrimaha diinta waxii ku saabsan, weydiiya, xeerka noocaa ah ayaa na horyaalee maxay ka leedahay shareecadu? Midhka muhiimku waa kaa, isla markaan aynu ku baraarujinayno walaalaheen golaha Wakiilada, ama guddi culimmo u qabta, ama maxkamada geeya, ama wasaarada Diinta geeya, laakiin ninkii codka u taagnaa yaanu odhan annigaa MUFTI ah, midhkani waa xalaal oo annigaa ka jawaabaya, taa ayaan idiin fiicnayn, waxaanay noqonaysaa Ilaahay oo lagu dhiiranayo, taasoo khatarteeda leh, kuwii ku dhiiradayna, dee way kadeedmeen oo eedeen.

Sheekh Maxamed Dirir ayaa sheegay 41 sannadood horteed ayaan xusuusanahay ninkii Kacaankii ka madax ahaa ee culimmada laayey, intan ayuu ku laayey, waxuu yidhi Ragga iyo Dumarku way simman yihiin, annigu ma aqaano tulut, iyo sumun, intuu hadalka jejebiyey, Wadaad xume ayaa diinta si xun u fasiraya, waa aayadahii suuratl Al-Nisaa ka hadlaysay. Shalayna nin Baarlamaanka u hadlay ayaa yidhi wadaadadu Ribbada ayey dadka ka wacdiyi doonaane, dadweynahu yaanay ka dhegeysan, maxaa yeelay aayadna way akhriyayaan, aayadna way ka boodayaan, waxay akhriyayaan waxba kama jiraan. Ninkaa culimadu waxay u arkaan inuu golaha Baarlamaanka u hadlayo, sababtuna waa culimmada ayuu u jawaabay, golahuna xeerkan Ribbada ayuu ka doodayey, ilaa haddana cid tidhi ninkaa waanu ku khilaafsan nahay lama hayo, ama yidhi codkaa ka soo baxay ee diinta uu kaga jawaabay naguma metelo, ee ninkii yidhi culimada waa jaahiliin-way iga Qur’aan badiyaan, laakiin wax kale ma hayaan,. Immikuun bay Qur’aan akh-akhriyi doonaan, baarlamaanka naguma metelo yidhi lama hayo hadda eega waa “Tulutkii iyo Rubucii ninkii hore Kacaanku yidhi”, arrinku markay halkaa taagan tahay dee taariikhdii ayaa soo noqotay, cajaladanina way duubmaysaa, markaa waxa la yidhaahdaa aamusane jooga codkiisu waa haa, haduu qofku joogo oo cid ka tirsani hadasho, nacam waan la qabaa weeye, inay ka cuddur-daartaan, xaal-ka-bixyaan, kuma jirno yidhaahdaan ayaa la eegayey, muddo saddex maalmood ah. Qaaciidooyinka af-carabiga ayey ku jirtaa “meel hadal looga baahan yahay qofka ka aamusa, jawaabtiisa waa HAA.”

Sheekh Maxamed ayaa sheegay marka xaajadii halkaa marayso culimmadu waxay ugu nasteexaynayaan golayaasheena, iyagoo (culimmadu) aan iyaga caayeynin, dacaayadaynayn, in lays ixtiraamo, sida Ilaahay yidhi, “weydiiya dadka cilmiga diinta aqoonta u leh-haddaydaan garanayn” arrinkani waa arrin shareeco, heshiisyada iyo sharcigaa in culimmo loo bandhigo, oo la eego oo intaan loo codeyn loo cilmi dayo. Qadiyadda nasteexada culimmadu weligood way soo wadi jireen laakiin qolaba si ayey ugu jawaabi jireen. Nasteexada culimada, dadka aan XAQA jeclayn qaar xoog ayey kaga jawaabi jireen, kuwa aan xoog hayna (waa sideena oo kale) dacaayad ayey ugu jawaabi jireen, oo warbaahinta ka sii deyn jireen si culimmadu u habradaan oo uga noqdaan. Masaladu marka ay diin taagan tahay xalaal iyo xaaraan dariiq loo maro aya ajira, waxaan kaloo sixi lahayn aqoonyahanka oo qaarkood maqaalo ku qoray warbaahinta ay ku sheegeen Wadaadow-Maka iyo Madiina ayey ka furan yihiin baanan Ribbo ah, waxaan leenahay qolyaha Gaalada ayaa yidhaahda qofka mutacalimka ah qaanuunka ayuu daliishadaa, dadka juhaladuna qofafka ayuu daliishadaa, innaguan (islaamka) waxaynu leenahay, qofka caalimka sharciga ayuu daliishadaa, qofka caamiyahuna shaqsiguu daliishadaa. Waa lagula yaabayaa gaalo iyo islaam hadaad tidhaahdo, dee sidaa aynu yeelo hebel ayaa hagaagsane, sidaa yeynaan yeelin hebel ayaa khaldane, ilayn maatida iyo caruurta ayaa marka la yidhaahdo maxaa waxaa u samaysay ku jawaaba dee inna hebelba wuu sameeyey, laakiin waa nasiibdaro in qof aqoon sheeganaya uu yidhaahdo dal hebel ayey ka furan yihiin ama golahu markuu doodayo yidhaahdo sidaa aynu yeelo waayo dal hebelba way ka furan yihiin.

Sheekh Dirir ayaa gebagebadii sheegay qolyaha daliishana baananka Ribbadu Maka iyo Madiina way ka furan yihiin waxaan leeyahay, Sacuudigu waa Boqortooyo, idinkuna qaar badan oo mucaaradka qeyliyaa idinku  jira waxaan leenahay Madaxweynaha Somaliland ee xilka haya Boqortooyo uga dhiga, oo sidaa Sacuudigu yahay kaga deydoo waxaad tidhaahdaan Cimrigii jiryow iska jog, ilayn waydinka ka daba qeylinayee, laakiin hadaan madaxweynahii loo deynayn, oo leedahiin boqortooyada way ku khaldan yihiin Sacuudigu, baankana wuu ku khaldan yahay oo waa la mid. Waxa kaloo xusid mudan in culimada FATWADA qaabilsan iyo Muftiga guud way xaaraantimeeyeen baananka Ribbada, laakiin dawlada SACUUDIGA ayaan dhegeysanin.

COMMENTS
Latest News