Maalmahanews.com
Maxamuud Raage Oo WADDANI Ku Tilmaamay Xisbi Talladiisa Ay Go’aamiso Koox Gaar Ahi
January 18, 2016 - Written by admin

Xoghayihii hore ee arrimaha siyaasadda ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Maxamuud Raage oo dhawaan is casilay, kana baxay xisbigaas, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay sababihii uu xisbigaasi isaga casilay, waxaanu ammaanay hogaaminta madaxweynaha Somaliland.

Maxamuud Raage ayaa sidan ka sheegay shalay xaflad lagu soo dhawaynayay ka dib markii uu ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka dibadiisa oo lagu qabtay Huteel Xaraf, waxaanu madaxweynaha Somaliland ku amaanay tanaasulkii uu ka tanaasulay murashaxnimada madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE.

“Meesha aad joogto haddii aanay talladaadu ka muuqan, oo aanad wax ba ka toosin Karin, waxna aanad ka sixi Karin, joogitaankeedu waxa uu la mid yahay malooliga idaha daba socda, waana in lagu qadariyaa, waxtar badani iigama muuqan oo aan ka tari karayay xisbiga WADDANI, waanan caddayn doonaa sida ugu dhakhsaha badan,”Ayuu yidhi Maxamuud Raage,waxaanu intaas raaciyay “Waxaan ku hambalyaynayaa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) haddii uu yidhi “Waxaan banaynayaa murashaxnimadii madaxweynaha ee sannadka 2017-ka, haddii aan tuur-tuuray oo aan dhaliilay waxay iga ahayd toosin, waxaan maantna idinla qaatay dhammaystirka mujaahidka, ummadeennu wanaaga uma quudho qofka wanaagna ma siino ee maalinta uu dhinto ayaa la amaanaa.” Ma aha markii u horeysay ee siyaasi ka baxay xisbiga WADDANI uu ku eedeeyo hoggaanka xisbigaasi inaanay tallada xisbiga lagu dhaqayo ka qeyb-geliyaan siyaasiyiin iyo kaadiriintiisaba.

COMMENTS
Latest News