Maalmahanews.com
KULMIYE Oo Iska Dufaacay Nin Sheegtay Guddoomiyenimadda Xisbiga Finland
January 18, 2016 - Written by admin

KU: Taageerayaasha Xisbiga kulmiye laantiisa Finland
OG: Taagerayaasha Xisbiga Kulmiye Qaarada Europe
OG: Hogaanka Xisbiga Kulmiye JSL

Ninka sheegtay xilka gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Finland ee weliba inta uu caruur, wax ma garato, iyo dad war moogayaal ah soo uriyey ku hadaaqay waxaan dib u habayn ku samaynay laantii Xisbiga Kulmiye ee Finland waxaana lay doortay aniga oo ah Ahmed Weli Abdillahi Khaliif gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye laantiisa Finland WAA BEEN CAD OO AAN WAXBA KA JIRIN.

Sidaa darteed Anagoo ah gudidda Xisbiga Kulmiye laantiisa Finland, waxaanu maqaalkan isaga ah ku cadaynayaa in ninka sheegtay xilka ah gudoomiyaha laanta Kulmiye ee Finland, oo weliba leh waxay taagerayaashii Xisbigu isugu yimaadeen Hotel Ramada Presidenti, ee Helsinki maalintii sabtidii bishan 16.01.2016 sidaa lagu sheegay ama ka soo baxday qaar ka mid ah mareegaha (internetka) iyo warbaahinta Tv-yada qaarkood (HCTV) waxaanu leenahay waa been cad oo Ilaahay iyo taagarayaasha rasmiga ah ee Xisbiga Kulmiye Finland way og yihiin inuu yahaay been abuur aan jirin (BEENI RAAD MA LEH; BEENI RAAD MA LEH; BEENI RAAD MA LEH!

Waxaanu kaloo oo aanu halkan ka cadaynaynaa in aanu ninkaas iyo cidii kale la socotaaba aanay weligood ka mid noqon Xisbiga kulmiye laantiisa Finland. Weligood kamay soo qayb gelin shir Xisbiga Kulmiye laantiisa Finland leeyahay, bixinta subscription fee-ga Xisbiga weligood kama qayb qaadan hore iyo danbeba, Madal guud oo xisbiga Kulmiye Finland leeyahayna kamay soo qayb gelin.

Si kastaba, anagoo aanaan jeclayn in aanu shakhsi durno ama aanu wax ka sheegno hadana marmarka qaarkood waxay kugu kaliifaysaa in wixii xog ah ee la hayo ee daliil (facts) la tuso cidda markaa wax loo soo bandhigayo si ay (proof) ugu noqoto qoraal hadaleedka markaa laga hadlayo. Sidaa darteed waxaanu halkan ugu soo gudbinaynaa bahwaynta Xisbiga Midnimmadda iyo Horumarinta Kulmiye ee JSL in ayn furtaan clips ama links-yadda hoos ku taxan si ay daliil u noqoto cidda uu ka tirsan yahay ama waxa uu yahay ninkan fudaydka iyo aqoont daridu ka muuqato (quick and lack of knowledge) ee ku been abuurtay Xisbiga Kulmiye laantiisa Finland.

1. Maqaalkan kor ku xusani waa shir uu qabsaday Xisbiga Wadani, laantiisa Finland iyo Ahmed Khaliif oo ah Gud-ku xigeen Wadani oo dhinac taagan Gudoomiyha Xisbiga Wadani Finland Mr Artan Iyo gudoomiyaha Garabka haweenka Wadani Finland Mrs, Canab Goox.

2. Sida aad ka daawan doontaan clips-kan waa casumaad Xisbiga Wadani Finland u sameeyey laba Mayor oo Somaliland ka yimi oo soo booqday Finland sanadkii 2015kii, waa kan mar labaad Ahmed Weli Abdillahi Khaliif (NINKA BEENTA SHEEGAY) oo ka dhex hadlaya xafladatan isagoo ah Gud-ku xigeen-ka Waddani Finland.

3. Mar sadexaad waa kan Ahmed Khlaiif oo leh hadana waan ka baxay bishii May 2015-kii Xisbigii Wadani Finland waana iska casilay jagadii Gud-ku-xigeen-ka Xisbiga Wadani ee Finland.

Waa Kuma Ahmed Khaliif (Who is Ahmed Khaliif?): Waxaa nagu maaqala hadaanu nahay gudidda fulinta ee Xisbiga Kulmiye in uu Ahmed ka mid yahay dad muddo saddex ilaa afar sano ka hor yimi wadanka Finland isagoo ka mid ahaa dad ka badbaaday doon ku qarqantay xeebta u dhaxaysa Libiya iyo Italy, dad badan oo Ahmed la socdayna ay halkaa ku dhinteen Ilaahay ha u naxariistee. Ahmed intaa ka dib waxaa uu soo galay wadanka Finland oo magangelyo waydiistay. Ahmed Khaliif ninka la yiraahdo waxaa nagu maqaalo ah in aanu lahayn wax educational background ah oo ka ahayn in uu dhamaystay dugsi Hoose Dhexe oo ku yaalay Somaliland. Waxaa kaloo nagu maqaalo ah in Ahmed waa ninka beenta sheegaye in aanu xitaa fahamsanayn waxan uu sheeganayo ama uu ku hamiyayo oo ah damac siyaasadeed (political ambition). Waxyabahaas oo ka mid ah waxyaabihii lagaga eryey Xisbigi wadani bishii May 2015-kii. Sidaa darteed Ahmed waxaanu siinaynaa talooyin iyo nasteexooyin ah:

Ahmed Khaliif waxaanu kula talinaynaa inuu ka dheeraado ama uu ka fogaado sheegashada beenta ah iyo fidmadda uu ka dhexwado dadka walaalaha ah ee reer Finland iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Finland. Waxaanu kaloo Ahmed kula talinaynaa in uu ka waantoobo beenta uu u sheegayo dadka xumaanta u nugul ee dhinac guclaynaya. Waxaanu kaloo Ahmed leenahay ka daa walaal xajiimadda, been abuurka iyo magac dilka aanay waxba ka ogayn ee aad ku wadid qaar ka mid ah hogaanka iyo musharixiinta Xisbiga Kulmiye ee aad leedahay iyagaan amar ka haystaa oo igu yidhi samee waxaad ka fursan waydo.

Gebagebadii, waxaanu leenahay Ahmed, haddii aad xiisanysid in aad ka mid noqoto xubnaha iyo taagerayaasha Xisbiga Kulmiye laanta Finland gacmo furan baanu kugu soo dhawaynaa walaal ee fadal (very warm welcome) hadiise arintaadu tahay damac siyaasadeed oo keliya waxaanu kuu sheegaynaa in Kulmiye caan ku yahay ama rukanadiisa ka mid ah in uu marka hore carbin fiican siiyo qofka xilalka noocan oo kale soo quudareeya. Sidaa darteed waxaanu diyaar kuula nahay in Kulmiye laantiisa Finland kaa bixin doonto ama ay awoodo in ay kuu dirto An intensive courses oo lagau baranayo luqadaha Finnisha-ka, English-ka iyo Fundamental Political leadership.

ALLAA MAHAD LEH.
Somaliland ha noolaato
Eng. Mohamed Abdillahi Ahmed, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Finland
Jamaal Haybe Dhuxul, Afhayeenka Xisbiga Kulmiye, Finland

COMMENTS
Latest News