Maalmahanews.com
Xukuumadda, Maamulka Dekedda & Ganacsatada Dalka oo kulmay
January 17, 2016 - Written by admin

Waxa kulan Saddex-Geesood ah yeeshay Masuuliyiinta shirkadaha Ganacsiga Dalka, Maamulka sare ee Dekedda Berbera iyo Xukuumadda. Kulankani wuxuu ka dhacay Xarunta Qasriga Madaxtooyada waxana goob joog ahaa masuuliyiinta shirkadaha ganacsiga ee Somaliland, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga JSL, Maareeyaha Dekeda Berbera iyo Wasiiro ka socda Xukuumada oo ay kamid yihiin Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdiiyo Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Mudane Muuse Qaasim Cumar. Kulankan ujeeddadiisu waxay ahayd xal-u-helidda cabashooyin isa soo tarayey oo ay qabeen ganacsatada dalka ee Dekedda Berbera wax kala soo degta, kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyey cabasho ka muujiyey Tacriifada badeecadaha oo ay sheegeen in Dekeddu ku kordhisay alaabooyinka Dekedda ka soo dega ee  ay ganacsatadu ka soo waaridaan dalka dibediisa.

Kulankan, dhanka ganacsatada waxa hadalka furay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga JSL Mudane Maxamed Shugri oo si faah-faahsan uga hadlay cabashada ay ganacsatadu ka muujiyeen Tacriifada la saaray ee ay soo gaadhsiiyeen Rugta Ganacsiga. Sidoo kale, waxa iyaguna goobta ka hadlay tiro ka mid ah ganacsatada kuwaasoo dhamaantoodba xoojiyey cabashada ay ka muujiyeen Tacriifada lagu kordhiyey iyagoo sidoo  kale  is-barbar dhig u soo qaatay tacriifadaha la qaado  Dekedaha  dariska  ah, waxaanay xuseen in ay culays ka dareemayaan tacriifada ay Dekedda Berbera ku kordhisay ganacsatada.

Ganacsatada ayaa sidoo kale Xukuumadda ku bogaadiyey tallaaboyinka ay ka qaadday la dagaallanka sicir-bararka, balse waxay sidoo kale xuseen in  tacriifadaha Dekeddu kordhisay ay culays ku keeni karto ganacsatada. Haddii ay Dekeddu ku adkaysatana waxa dhici doonta in badeecadahoodu ay la tartami kari waayaan suuqyada ganacsiga, dabadeed khasaare iman doono, Dawladduna ay ku weydo dakhligii cashuuraha ee ka soo geli jiray. Ugu dambayntii Ganacsatadu waxay xuseen in wixii dalka u dan ah  ay iyagana dontoodu ku jirto, ilaalinta Qaranimaduna ay tahay muhiimaddooda koowaad.

Maareeyaha Dekedda Berbera Mudana Cali Cumar Maxamed “Cali Xoor-xoor” ayaa  isaguna kulanka ka hadlay isagoo xusay in dakhliga ka soo xerooda Dekedda Berbera aanu Wasaaradna ku jirin budget-keeda, taas badalkeedana wax walba oo ka soo xerooda Dekeda lagu bixiyo dayactirka iyo balaadhinta goobaha la dhigo Koonteenarada  iyo sidoo kale gunnooyinka shaqaalaha. Maareeyuhu wuxuu xusay in Tacriifadan la kordhiyey ay tahay mid aad u yar, balse ay lagama maarmaan u tahay casriyeynta adeegyada ay Dekeddu bixiso iyo daryeelka shaqaalaha maadama aanay gunno badan qaadan iyagoo ku shaqaynaya jawi aad u kulul.

Maareeyaha ayaa xusay in Dekedda Caalamiga ah ee Berbera ay door muhiim ah ka qaadato dhaq-dhaqaaqa Ganacsiga u kala socda guud ahaanba Gobolka Geeska Afrika. Sidaa darteed waxa loo baahan yahay in Dekedeenu ay la jaan-qaadi karto baahiyaha sannad walba sii kordhaya ee xagga ganacsiga iyo ganacsatada. Haddaba, si taa loo helo waxa lama huraan ah in Dekedda Berbera la casriyeeyo (qalab ahaan iyo adeeg ahaanba) isla markaana la helo shaqaale xirfad iyo aqoonba u leh u adeegidda macaamiisha Dekedda.

Maareeyaha ayaa xusay in Ganacsatada Dalkeenu ay u baahan yihiin adeeg hufan iyo tacriif dhiirri gelin karta koboca ganasigooda. Horumarka Dekeddu waa horumarka ganacsatada taasoo horseedi karta in dalku xagga dhaqaalaha ka horumaro. Wuxuu xusay in la fahmo in Dekedda Berbera ay kaliya tahay adeeg bixiye u adeega ganacsatada wax kala soo degta, balse Dekedda iyada lafteedu wax cashuur ah ma qaado. Dekeddu waxay Ganacsata ka qaadaa waa adeeg ay bixisay oo ka kooban qalab, xamaal, rarid, soo dejin iyo meel-dhigis.

Maareeye “Cali Xoor-xoor” ayaa xusay in Dekedda Caalamiga ah ee Berbera ay dhan walba kaga jaban tahay Dekedaha Jaarka marka loo eego dhanka adeega ay bixiyaan isagoo waliba xusay in ay haystaan culayso fara badan oo dhan walba leh. Maareeyaha ayaa xusay in hadii Tacriifadan loo ogolaado ay kor u qaadi doonaan adeegyada Dekkadu bixiso taasoo keeni doonta in ganacsataduna kaga faa’idaysan doonaan dhinacyada wakhti yaraanta, xawliga shaqada iyo goobaha ay alaabta dhigtaanba.

Maareeyaha ayaa hadalkiisa ku soo xidhay in ganacsato badan u hogaansameen isla markaana ay jiraan tiro badan oo Koonteenaro ah oo imikaba Dekkada ka soo baxay oo si habsami leh ganacsatadii lahayd u cashuurteen.

Ugu dambayntii waxa iyaguna kulankii hadallo kooban ka soo jeediyey  Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Mudane Muuse Qaasim oo sheegay in Dalkeennu uu yahay dal aan dunida ka helin wax taageero dhaqaale ah oo lagu horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha (sida Dekedaha iyo Waddooyinka) iyo adeegyada nolosha bulshada lagama maarmaanka u ah. Dhaqaalaha ugu muhiimsan ee dalkeena soo galaa wuxuu ka yimaadaa dhoofka xoolaha nool iyo lacagta ka soo xeroota cashuur ururinta. Dekedda Caalamiga ah ee Berbera waxay laf-dhabar u tahay dakhliga dalkeena soo gala iyo koboca dhaqaalaha iyo xarakaadka ganacsiga.

Dhinaca kale, labada Wasiir Maxamuud Xaashi iyo Muuse Qaasim waxay sheegeen in Siyaasadda hagta Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay salka ku hayso kobcinta iyo taabo-gelinta Ganacsiga uu Dalkeenu la leeyahay Dunida iyo dalalka deriska ahba. Sidoo kale, Xukuumaddu waxay xil iyo masuuliyad gaar ah iska saaraysaa sidii looga warhayn lahaa ee loo dhaqaalayn lahaa Ganacsatada Dalka (kuwa waaweyn, kuwa dhexe iyo kuwooda soo korayaba).

Wasiir Maxamuud Xaashi wuxuu sheegay in tallaabo kasta oo la qaadayo oo khusaysa Siyaasadda Cashuuraha iyo kordhinta ama dhimista Tacriifaha Badeecadaha, Xukuumaddu waxay mar walba si taxadir leh uga baaraan degtaa cid kasta oo ay arrimahani saamayn ku yeelanayaan. Kulanka wajigiisii koowaad soo afmeeray ayaa Wasiir Maxamuud Xaashi wuxuu bogaadin badan u soo jeediyey garnaqsigii sida gobonimada badan  dhan walba u soo bandhigay sidoo kalena xusay in dhan walba soo jeediyey qodobo mugle oo u baahan in si deggan looga go’aan qaato.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa cadeeyey in guud ahaanba Dekkaddu madax baanaan tahay balse tacriifadan la kordhiyey aanu Maareeye Cali Xoor-xoor kelidii soo allifin ee ay tahay arrin uu Madaxweynaha kala tashaday, Madaxweynuhuna ka ogolaaday, isla markaana ku cad Miisaaniyada sanadkan Baarlamaanku ansixiyey. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay ganacsatadu u leeyihiin Qaranka iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarka dalka waxaanu xusay in aanay marnaba ka Xukuumad ahaan la rabin in uu fuulo culays ku keeni kara in lagaga adkaado sayladaha ganacsiga. Wasiirka ayaa xidhitaanka wajigii koowaad ee kulanka ku sheegay in maadama arintu u baahan tahay lafa-gur qoto dheer iyo in si fiican looga wada tashado, in loo baahan yahay in loo soo saaro guddi si degdeg ah arintaa xal waara uga gaadha.

Ganacsatada ayaa dhankooda soo saaray guddi ka kooban 13 ganacsade, halka xukuumaduna u saartay guddi arintaas la soo turxaan bixiya. Guntii iyo gebagabadii, waxaa loo ballamay in guddidaasi soo saarto go’aamo  Qaranka iyo Ganacsatadaba u dan ah, waayo waxa Umusha u dan ah, ayaa ilmahana u dan ah.

ALLAA MAHAD LEH

COMMENTS
Latest News