Maalmahanews.com
Xildhibaan Siciidaw Wax ka Baro Shareecada Islaamka iyo Dastuurka Qaranka
January 17, 2016 - Written by admin

Aniga oo ah Deeq  Aw Muxumed  Xuseen  waxa  aan  halkan kaga jawaab celinayaa hadalo  xajiimaysan   oo been iyo deel-qaaf ah  oo xil.dhibaan siciid cilmi rooble kula dul -kufay  bangiyada islaamiga ah ee wadanka  oo  mid yahay, isagoo sidoo kalana eedayamo xaqiiqada ka fog u geystay dhinacyo badan oo sharaf iyo karaamo muddan oo ay culimada wadanku ka  kaw tahay.

Waxyaabaha aan sinaba loo aqbali karin ee beenta iyo waxba kama jiraanka ah ee ka soo yeedhay mudanaha xilkiisii gabay waxaa ka mida:

Dastuurka Qaranka:

Qodobka 5aad ee Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland , faqradihiisa 1aad iyo 2aad ayaa waxa ay u kala dhigan yihiin sidatan:

  1. Diinta Qaranka Somaliland waa Diinta lslaamka; waxaana geyiga Somaliland ka reebban faafinta diin aan ahayn Diinta lslaamka.
  2. Xeerarka dalka waxaa laga qaadanayaa Shareecadda lslaamka; waxaana reebban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda.

Sharciyadda bangiyadda;

Waxa uu  sheegay In bangiyada islaamiga ahi  ee wadanku ay hortaagan yihiin xeerka bangiyada ganacsiga ee la sheegay in aanu shareecadda waafaqsanayn.

Haddaba su’aashu waxay tahay sidee ayay u dhici kartaa in shirkad gaar loo  leeyahay ay is hortaagto sharci  xukuumad qaran iyo golayaal sharci dejinineed iyo hay’ado dawladeed.

Hadii mudanuhu  sharci soo saarayo, waxaa jirta inka badan   25  sharci maaliyadeed iyo bangi oo dalku u baahan yahay  oo laga sugayo , waxaa jira xeerar ka soo gudbay hay’adahii  qaran ee soo diyaariyay iyo xukuumadda labadaba oo golaha siciid  ka tirsan yahay horyaalla ee maxaa haysta ?  WAXAANA KA MIDA XEERKA XAWAALADAHA SOMALILAND IYO  KA MAAMULKA LACAGAHA OO  BAAHIDA LOO QABO LA OG YAHAY.

 Kootada bangiyada:

Been abuurka siciid waxaa ka mida in laba bangi dalka ku haystaan KOOTO, taasoo oo  waaqaca jira ka fog, bal isagu ha keeno meesha labadaa bangi suuqa bangiyada loogu xidhay, waxaa la ogyahay in  bangiga dhexe leeyahay awoodda bixinta lisanada bangiyada , iyada oo dasruurka dalkuna dhigayo in la dhiiri – galiyo bangiyada gaarka loo leeyahay malaha xildhibaanku maba yaqaan shuruucda wadanka. Waxaa la ogyahay in bangiyo tiro ahi bangiga dhexe u soo gudbiyeen codsiyadoodii  waxa kale  oo jira in bangiyo ajaanib ah wakiilo  ay wadanka u joogaan oo ka shaqeeyaan.

Shaqadda bangiyadda  dalka:

  1. waxa uu si aqoondaro ka muuqato u tilmaamay shaqadda bangiyada islaamiga ah, iyada oo la ogyahay in bagiyada islaamiga ahi ay qabtaan inta badan adeeg -yada  bangi looga baahnaa sida:
  1.         FURISTA XISAABAADKA MACAAMIISHA EE KALA DUWAN oo ay ku jiraan hay’adaha dawliga ah iyo kuwa caalamiga ah.
  2.         SAMAYNTA DHIGAALADA KALA DUWAN   oo ay  ku jiraan kuwa  ardayda, haweenka, shaqaalaha, ganacsatada  iwm.

iii.        DIRSITA  KEENISTA XAWAALADAHA GUDAHA IYO DIBADA LABADABA:

Oo ay ku jiraan kuwa ay soo diraan qurba joogta, waxa kale oo ka mida malaayiin doolar oo ah lacagta xoolaheena DIBADA LOO DHOOFIYO. Ka soo noqota.

  1.         SOO SAARITA DAMAANADAHA BANGI:  oo ay ku jiraan kuwa loo sameeyo hay’adaha  caalamiga ah ee  wax maal-galiya  sida

o   HAY’AD KUWAT FUND   oo bangiga dahabshIil u sameey BANK  GUARATEE  oo aan la’aanteed ayna suurta gasheen inla dhiso MADAARADDA CAAMIGA  AH EE EGAL INTERNATIONAL  AIRPORT IYO MADAARAKA CAALAMIGA AH EE BERBERA.

o   SOMALILAND DEVELPOMENT FUND: bangiga dahabshiil  waxa uu muwaadinka kasta oo qandaraas ka hela  sanduuqa horumarinta Somaliland u sameeyaa  marka uu ka soo codsado bank guarantee.

o   Horumarita lacagaha maal-gelinta mashaariicda maal-gelinta wadanka:

o   Laamaha bangiga ee berbera, burco , boorama , boosaaso muqdisho waxa  ay  fuliyaan wixii adeega ee macaamiishu  uga baahato.

GANACSIGA IYO  HAL  BAW- LAYAASHA DHAQAALE:

Bangiyada wadanku waxay ka qayb-qaataan sidii loo hirgalin lahaa maal-gelinta kaabayaasha dhaqaale ee  dalka, sida wadooyinka, madaaradda iyo dekadaha.

Waxa kale oo ay ka  qayb ka  qaataan MAAL-GELINTA   BALAADHINTA  BIYAHA

LA DAGAALANKA SICIR BARARKA:

Bangiyada dalku waxa ay gacan buuxda ku siiyaan bangiga dhexe la dagaalanka  sicir barbarka, Iyada oo  hadh iyo habeen ay fuliyaan wixii talaabo ah ee dhinaca bangiga dhexe uga yimaada sidii  qiimaha shilinka  wadanka  kor loogu qaadi lahaa sicir bararkana loo jabin lahaa, si qiimaha maceeshadu hoos ugu dhaco.

  HAWLAHA-MAAL GELINTA GUUD:

Waxa ay  bangiyadu  maal-gelin  u sameeyaa ganacsatada kala duwan, shaqaalaha , ardayda, haweenka,  beeralayda farsamo -yaqaanda  iyo dhamaan noocyada kala duwan ee bulshada iyada  oo ay jirto in bangiyada qaar kood   qayb –gaara u sameeyay dadka dakhligoodu hooseeyo,taas oo sanadkii gaadhaysa malaayiin doolar.

Tusaale ahaan BARNAAMIIKA MICRO-DAHAB FMI   oo Bangiga dahabshiil ku maal-geliyo dadka dhakhli-goodu hooseeyo  ayaa sanadkii ina soo dhaafay maal-geliyay dad tiradoodu gaadhayso kumanaan qof. Jooga dhamaan goblada dalka.

Dhamaan adeegyadan ayaa ah qaar la waafajiyay nidaamka shareecada islaamka ee qiimaha badan . iyada oo bangiyadani   curdin yihiin isla markaana aanay jirin meel ay taageero maaliyadeed ka helaan waxa  ay  bangiyadani  qayb laxaadle kaga jiraan horumarinta dalka taas oo ay marqaati ka tahay cid kasta oo indho-caafimaad qabta iyo qalbi fayaw ku eegtaa.

MALAA XIL-DHIBAANKU  WADANKA  KAMA WAR –HAYO  OO HADUU  SOO

TOOSAY?

Shaqaalaysiinta aqoonyahanka iyo xirfadlayaasha:

Banigiyada dalka ka jira, sida DahabshiilBank International, kaalin laxaad leh ayay kaga jiraan shaqaalaysiinta da’yarta, aqoonyahanka iyo xirfadlayaasha. Kuwaas oo gaadhaya boqolaal gabdho iyo wiilal ba leh. Kuwii aanu wax baray ee jaamacadaha ka soo saaray  ayaa maamulayaal iyo maareeyayaal – SOMALILAND NEW GENERATION BANKERS-  ka ah BANGIGA DHEXE, DAARASAAM BANK IYO DAHABSHIL BANK INTERNATIONAL  iyo waliba hay’adaha kale ee faraha badan ee dalka.

Waa laga wada dheregsan yahay Bangiyada iyo laamaha Dahabshiil ee dhulalka Soomaalida oo dhan ka jira xaddiga shaqaale ee ay leeyihiin, iyo inta qoys eek u tiirsan dhinaca maceeshadeed, dhinac waxbarasho iyo dhinac caafimaadba, iyada oo risiq xalaal oo aqoontooda iyo maskaxdoodu u goysey ka kasbada.

Siciid ayuu shaqaalaysiiyey? Yuu waxbaray?

Xildhibaanka xoglaawaaha ahi ma innoo sheegay inta kun ee qof ee isagu uu u yeedhayo magacyada meelaha uu ugu yeedhay? Ma se u shaqeeyaan hadda? Yaa Xildhibaanka soo qanjiidhiyey oo diiddan dhaqanka iyo asluubta Islaamiga ah ee aanu fahmin.

 BANGIYADU  WAXAY DHAWRAAN  SHAREECADA ISLAAMKA:

BANGIYADA DALKU   WAXAY   KU SHAQEEYAA HAB-SHAREECADA ISLAAMKA WAAFAQSAN OO CULIMADA WAAWAYN EE CAALAMKA ISLAAMKU DEJIYEEN , waxa kale oo ay  leeyihiin gole culimo  oo aqoon sare u leh arimaha shareecada , dhaqaalaha iyo qawaaniinta oo ilaalisa in shaqada bagiga loo qabtay hab waafaqsan shareecada islaamka warbixinna ka soo saara sanad kasta.

Bangiyadda  waxaa ka reeban inay sameeyaan  macaamil ribo ah gudaha iyo dibada dalka.

Sidaa darteed  siciid waxaa looga fadhiyaa inuu caddeeyo sida bangiyadu  ula sameeyaan  macaamil ribaha  bangiyada caalamka, hadii taa la waayo siciid waxa kuwajahan qodobo sharci oo uu waajihi doono.

Bangiyada islaamiga ahi waxay leeyihiin nidaam sharci oo loogu adeegi karo dhamaan macaamiisha gudaha iyo dibada, hay’adaha maal-gelinta  ee caalamka  si waafaqsan xeerarka  maal-gashiga , ganacsiga iyo maaliyada.

Sidaa darteed waxaa loo baahan  yahay in   dadka ummadda xilka u hayaa aanay noqon kuwo fidno iyo  khalal  ummadda u keena ee  waxaa wanaagsan inay gutaan xilka iyo waajibaadka loo igmaday.

 DAHABSHIIL MA QAADO MACAASH 13% SANADKII AH:

Waxa fajaciso ah meesh uu ka keenay sheekadda ah  DAHABSHIIL 13 % macaasha ayuu qaadaa sannadkii , anaga  oo xogogaal u bangigan  ma jirto waa been cad, ha keeno  halmacmiil,  mid kaliya  macmiil  qudha  oo sanadkii  ina dhaafay   macaashka  iibka  muraabaxadu ahaa  13%.  {sanadkii p.a}

GARDARADDA CULIMADA LOO GAYSTAY:

Waxaan aad uga xunayahay culimada karaamada iyo sharafta mudan ee  habeen iyo dharaar umaddooda wax baraysa ee waxa wanaagsan u sheegaysa ee xumaanta ka waaninaya  ee afkooda iyo adinkoda laga nabad -galay, ee caalamka oo dhami taa qirayo in af lagaado iyo waxaan qaban loo geysto.

Xil.dhibaanku  miyaanu waligii diinta wax ka  maqal  dhibaatada ay been abuurku leeyahay in qof –muslim ah loo gaysto iska daa  dadka ilaahay karaamada huwiyay ee xataa qofka caadiga ah.

Siciidaw  inta sheikh dirir iyo culimada la midka ahi joogto  adiga  diin ka hadal kuuma bannaana, waxaa lagaaga baahanyahay oo lagaaga fadhiyaa  RAALI-GELIN buuxda oo culimada , dawladda , shacabka iyo dadka aad wax ka sheegtayaba siiso.

Waa inta goori –goortahy. Waa laguu  hawn-waynaa   oo waxan lagaama filayne.

 

Islamic banking consultant

Allaa mahad leh.

COMMENTS
Latest News