Maalmahanews.com
Ujeeddada Kulan ay Hargeysa ku yeesheen Wasiirka Maaliyadda iyo Badhasaabada Gobolada Dalk
January 17, 2016 - Written by admin

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa Shalay Magaalada Hargeysa kulan kula yeelatay Badhasaabada Gobollada Dalka.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Xisaabaadka Guud ee Dawladda, ayaa lagaga wada hadlay kor u qaadidda Dakhliga Dawladda ee ku jira Odoroska Miisaaniyadda 2016-ka.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo kulankaasi ka dib, la hadashay Saxaafadda, ayaa sheegtay inay ujeedada ay badhasaabada ugu yeedhay ay tahay mar haddii sanad cusub la galay loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo hawlaha dakhli soo saarka.

Wasiir Samsam Cabdi Aadan oo arrimahaasi ka hadlaysaa waxa ay tidhi “Waxaanu maanta (shalay) shir la yeelanay aniga iyo wasiirka arrimaha guduhu badhasaabada gobolada oo aanu doonayno maadaama oo sanad cusub la bilaabayo oo hawlo badanin iska jiraan inaanu halkaa ka bilawno wada shaqayntii, waayo badhasaabku isagaa dawladda uga masuula oo waxa cashuurta, kootarabaanka iyo dhibaatada inaanu wixiiba wada wadaagno oo ay noqdaan waxaanu ka wada shaqayno, markaa nidaamkaasi ayaanu ka wada hadlaynay, iyaguna wax badan ayey soo bandhigeen runtii oo u baahan in wax laga qabto oo sheegaya inay ku hagaagayso shaqadii iyo wada shaqayntii”.

Wasiirka oo hadalkeeda sii wadataa waxa ay tidhi “Anaguna waxyaabo la tabanayey oo kormeer lagu soo maray bari iyo galbeedba ayaanu wixii ka soo baxay warbixintoodii siinaynay hawlaha ka jira iyo dhibaatooyinka uu badhasaabku wax ka qaban karo, markaa runtii waxa ay noogu dhamaatay is af garad”.

Xubno ka mid ah Badhasaabada oo la hadlay warbaahinta shirkii ka dib ayaa waxa ay wasiirka uga mahadceliyeen shirka ay la qaadatay, waxaanay tilmaameen inay isku fahmeen hawlihii ay ka wada hadleen ee la xidhiidhay dakhli soo saarka.

 

COMMENTS
Latest News