Maalmahanews.com
Xukuumada oo Dib u Dhigtay Shir Lagaga Hadli lahaa Khilaafka ka Aloosan Dekeda Berbera ee u Dhexeya Maareeyaha iyo Ganacsatada
January 16, 2016 - Written by admin

Khilaafka u dhexeya Mareeyaha Dekeda Berbera iyo Ganacsatada ayaa Saameyn Xun ku yeeshay  dadka ku tiirsan Dekeda Berbera kuwaasi oo ay soo food saartay Duruufo Dhaqaale

Kulan ay u balansanaayeen ganacsatada somaliland iyo xukuumada oo ka dhici lahaa shalay qasriga madaxtooyada ayaa dib loo dhigay illaa wakhti danbe iyadoo khilaafkii ka dhashay cashuurtii lagu kordhiyey ganacsatadu wali taagan yahay, dekadana ay buux dhaafiyeen shixnadihii ay diideen ganacsatadu  inay la baxaan.

Ganacsatada somaliland iyo rugta ganacsiga ayaa markii lagu war galiyey dibu dhaca kulankaasi ayaa la sheegay inay ka shireen talaabada ay qaadi doonaan taasoo wararka laga helayaa if tiiminayaan inay ku taliyeen in ay joojiyaan bixinta cashuuraha kastanka.

Tan iyo markii uu dhashay Khilaafka u dhexeya Mareeye Xoor xoor iyo Ganacsatada ayaa waxa uu saameyey dadka ku tiirsan Dekeda Berbera oo muddooyinkii u danbeyey aanay wax shaqo ahi ka socon, kuwaasi oo ay soo food saartay duruufo dhaqaale xumo.

Isla magaalada Berbera ayaa laga dareemaya hakadka ku yimid shaqadii dekeda Berbera.

COMMENTS
Latest News