Maalmahanews.com
Sheekh-Aadan-Siiro oo Xeerka Bananka ku Tilmaamay Mid Jideynaya Ribada
January 16, 2016 - Written by admin

Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) ayaa Golaha Wakiilada Somaliland uga digay in ay ansixiyaan Xeerka Bananka oo maalmihii u danbeyey muran ka dhex abuuray golaha wakiilada iyo Culimada Somaliland, waxanu Sheekh Aadan tilmaamay in Xeerka bananku uu Salka ku hayo ribo, isla markana aan loo baahnayn in Golaha wakiiladu ay ansixiyaan waxa dalka iyo diinta fasahaadinaya oo shareecadu Xarintay.

Sheekh Aadan Siiro waxa kale oo uu farriin u diray dadka iska leh bananka Islaamka ee dalka ka shaqeya, isaga oo ugu baaqay in bulshadooda ka daayaan culayska ay sareen, isla markana iyaguna dib u saxaan khaladaadkooda.

Sheekh Aadan Waxa uu sidaasi ku sheegay qudbadiisi Jimaha ee Shallay uu ka jeediyey Masaajid ku yaalla magaalada Hargeysa, waxanu sheekhu hoosta ka xariiqay in aan loo baahnayn in dalka lagu soo waarido bangiyo ku shaqeynaya Ribo oo kuwii sameytay ay la ildaran yihiin dhibaatadiisa, isaga oo tusaale u soo qaatay waddanka Giriiga oo dhaqaalihiisu  muddo dhawr sano ahba ciirciirayey.

Sheekh Aadan Siirro oo aanu ka soo qaadanay qaybo ka mid ah qudbadiisi ayaa waxay u dhignayd sidan. “Qoladan Barlamaankana waxaynu leenahay Ummadu waxay idiin doortay in aad fulisaan wixii ummadu doonayso, kama hadlayno arrimo khaladaadka jira sida Bangiyada islaamka oo wax baddan laga tabanayo, kuwaasina waanu la hadlaynaa oo waxanu ku leenahay waar dadka u naxariista, oo shuruud aan Shareecada ku jirin ama aad jeebada kala soo baxdeen ha sameynina, waayo waxa laydinku aaminay lacagtii Ummadu dhigan lahayd Banka dhexe, marka haddii Ummadii Somaliland idinku aamintay hantidoodii u ilaaliya, aniguna  ma ah in aynu la ficiltano oo qolooyinkan bananka leh oo aynu nidhaahano waxanu keenaynaa banankii Ribado ah”Ayuu yidhi

Waxa kale oo uu sheegay in Nasiib darro tahay in dalka Somaliland lagu soo waarido xeer shareecadu xaaran ka dhigtay, isaga oo tilmaamay in Somaliland wax baddan oo ay qabsatay aanay bulshada Caalamku ka garaabin waxanu yidhi. “Qolooyinkan Reer galbeedku waxay ina yidhaahadeen doorashooyin sameya waynu sameynay, inaga oo ciida fadhina, maraykanka doorashadooda uu xisbi kali ahi uu gallo waxa ku baxda lacag labba boqol oo sanno Somaliland ku filnaan lahayd, marka wax wal oo ay yidhaahdan sameya oo doorashooyin qabta waynu qabanay, laakiin wax kali ah ee laynagu haysta  waa tawxiidkaasi, Koonfurta Sudan wax ka jira dad dadka cuna, hadana way Ictiraafeen, Dalka  la yidhaahado Istimoor maraykanku afar sacadood ayuu ku jaray, waana jasiirad yar, marka qolooyinkaasi marka ay leeyihiin barnaamij iyaga u gaar ah daqiiqado kuma qaadato fulintiisu, lakiin inaga wax kali ah ee laynagu haystaa waxaynu nahay dad wada Muslim ah oo ehlusune ah oo tawxiidkii halka ku qortay, oo tashaday oo ku yaala marin muhiim ah marka arrimo badan  loo eego, in nimankaasi aan irbad dun inoo galin aynu inagu waxoodii isku khilaafno oo barlamaankeenii yidhaahado Ansixinta bangiyada ribada dhulka barwaaqoobaya waa nasiib darro, haddii barwaaqo jirto Waddankii Giriiga maxa ku dhacay, waad ogtihiin intii uu Adduunka Giriiga iyo Isbaanishku hayteen Yurub iyo waddamo kale oo baddan”Ayuu yidhi.

COMMENTS
Latest News