|
|||||
Maalmahanews.com
Muuse Biixi “KULMIYE ahaan diiwaan-gelinta waxaanu u aragnaa garnaqsi caalami ah”
January 16, 2016 - Written by adminGuddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay faa’iidada diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka dalka iyo aragtida xisbigu ka qabo hirgelinteeda ka jeedieyey xafladdii ku dhawaaqista bilowga bixinta kaadhka codaynta ee magaalada Burco. Waa markii labaad ee aynu diiwaangelin hirgelinno iyo markii lixaad ee aynu doorasho galno oo aynu ku socono, waxaannu u sheegaynaa in diiwaangelintani tahay awood aynu ku diidayno gardarrada golayaasha caalamka lagaga hortaagan yahay Somaliland, diiwaangelinta iyo doorashooyinkuba waxay tilmaamayaan Somaliland dadkeedu kuwa ay yihiin oo ah inay yihiin dad himilo iyo hiigsi fog leh, inay yihiin dad taladooda, karaamadooda iyo dalkooda Ilaahay siiyey aan cidna marnaba marti uga noqonayn, mar dambena cidi u maamuli doonin ee iyagu gacantooda ku haynayaan, taa waxa marag u ah innaga oo xaaladahaa adag ku jirna intaynu doorasho qabanay, intaynu nabad ka shaqaynay, intaynu maamul dhisanay iyo intaynu dalkeenna horumarinay innagoo isku duuban.”
COMMENTS
|
Latest News
|