Maalmahanews.com
Munaasibad Heersare Ah Oo Lagu Soo Bandhigayey Qabyo-qoraalka Barmaamij Siyaasadeedka Xisbiga WADDANI Oo Xalay Magaalada London Ka Qabsoontay
January 16, 2016 - Written by admin

Xisbiga WADDANI ayaa habeenkii xalay ahaa munaasabad aad u ballaadhan oo ka qabsoomtay Magaalada London ku soo bandhigay qabyo-qoraalka Barmaamij Siyaasadeedkiisa,taas oo ay ka soo qayb-galeen Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ee dalka UK , masuuliyiinta Xisbiga ee waddamada qaarada YURUB,iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee ku dhaqan dalka UK, Yurub.

Munaasabadan oo ahayd mid aad u heersaraysa,isla markaana ay soo buux dhaafiyeen taageerayaasha. Xisbiga WADDANI ee dalka UK, qaarada Yurub, saraakiil ka socotey dowlada UK, iyo marti sharaf kale oo aad u tirobadan,ayaa wuxuu xisbiga WADDANI ku soo bandhigay qabyo-qoraalka barmaamij siyaasadeedkiisa oo ku qoron luuqada ingiriisida, waxaana madaashaasii ka haddashay Marwo Faadumo Siciid oo kamid ah saraakiisha Xisbiga WADDANI, iyadoo si qoto dheer uga haddashay doorka uu xisbiga WADDANI uu u qoondeeyey haweenka , waxa kale oo iyana halkaasi ka haddlay Xildhibaan C/qaadir jirde, Xildhibaan Rayte, C/raxmaan Xoog iyo masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ee dalka UK,kuwaas oo si isku mid ah u sharaxay una lafa’guray barmaamij siyaasadeedka Xisbiga WADDANI, Isla markaana waxay hoosta ka xariiqeen inuu qabyo-qoraal yahay, lana soo dhaweynayo cidkast oo wax ku darsanaysa ama dib u sixi karta. Dhanka kale waxa iyana munaasabadan ka haddalay xubno matalayey musuuliintii ka socdey dowlada UK ,kuwaas oo si mugle u soo dhaweeyey qabyo-qoraalka barmaamij siyaasadeedka Xisbiga WADDANI, isla markaana uga mahad celiyey xisbiga WADDANI doorka uu xisbigu u qoodeeyey haweenka iyo dhalinyarada.

Guddoomiyaha golaha wakiilad Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi oo gunanadkii xafladaasi ka haddlay, ayaa qodob qodob u sharaxay qabyo-qoraalka barmaamij siyaasadeedka Xisbiga WADDANI, isagoo si weyna uga mahad celiyey qaban-qaabiyaashi xafladaasi, marti sharaftii ka soo qayb-gashay iyo tageerayaasha xisbiga WADDANI ee ka kala yimi dunida dacaladeeda, iyadoo isla madasha lagu qaybiyey buuga cad ee uu ku qoran yahay barmaamij siyaasadeedka Xisbiga WADDANI oo luuqada ingiriisida lagu daabacay.

Si kastaba ahaatee Xisbiga WADDANI ayaa hebeenkii xalay ahaa munaasabad aad u balaadhanoo oo ka dhacday magaalada London ku soo bandhigay qabyo-qoraalka barmaamij siyaasadeedkiisa uu dooradhada 2017  ee fooda inagu soo haysa ku gelaayo,kaas oo ku qornaa luuqada ingiriisid,iyadoo ay xusid mudantahay inuu xisbig uu hore ugu gardeediyey barmaamij siyaasadeedkiisa munaasbada culus oo ka qabsoontay caasimada somaliland ee Hargeysa dabayaaqadii Sanadkii galbayad ee 2015.

wadani uk wadani uk 3 wadani uk 2 wadani uk 1 wadani ukk

COMMENTS
Latest News