Maalmahanews.com
Mucaaridku Maaha Inay Wax Walba Dhaliilaan Laakin Caado Waxay Oo Laayihin Inay Wax Dhaliilan…
January 16, 2016 - Written by admin

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac  ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa ka hadlay khudbadii uu dhawaan Madaxweynuhu ka hor jeediyey labada Gole, waxaanu jawaab ka bixiyey khudbadaas Madaxweynaha oo Masuuliyiin Mucaarad ahi dhaliileen, waxaanu sheegay in inta badan Mucaaradku wax dhaliileen, balse aanay u haboonayn inay wax kasta dhaliilaan.

 

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac  ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo maanta ka bilaamaysay Gobolka Togdheer, waxaanu yidhi “Mucaaradku wax wey dhaliili karaan, waana waxa ay u yihiin Mucaaradka, inay wax dhaliilaan waa cadaadooda, laakiin inay wax walba dhaliilaan waa laga wanaagsan yahay, khudbadii Madaxweynaha in wax laga soo saaro, oo la dhaliilo may ahayn, sida uu Madaxweynuhu u soo jeediyey khudbadiisa waa laga wada arkaayey”.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac  ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa mar uu ka hadlaayey Diiwaangelinta waxa uu yidhi “Aniga oo hadda ku sugan Magaalo Madaxda Togdheer ee Burco, iyada oo Gobolka Togdheer ka bilaamayso Diiwaangelintu Sabtida (Maanta), mari doonana deeganada kale duwan ee Togdheer, waxa aan leeyahay si looga baxo Doorashooyin dambe oo bilaa Diiwaangelin ah dadku ha qaato kaadhka Diiwanagelinta cod bixiyaha, hana laga wada shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa caqabadaha ka hor iman kara Diiwaangelinta”.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac  ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa dhanka kale waxa uu ka hadlay xeerka baananka ee Golaha Wakiilada hor yaala, waxaanu sheegay in dalku aanu ka maarmi karin inay ka hirgalaan Baanan badani, waxa kale oo uu jawaab ka bixiyey sida uu arko cambareeyntii uu midawga Yurub cambareeyey dilkii qisaasta ahaa ee ay dhawaan Xukuumaddu fulisay, waxaanu sheegay in dilkaas loo maray sharciga iyo shareecada Diinta Islaamka.

 

COMMENTS
Latest News