Maalmahanews.com
DACAR-BUDHUQ: Wershadda Hargaha oo la Rarayo, Qaylo-dhaanta Dadka dhibaatada Caafimaad ka soo gaadhay iyo Digniinta Maamulka Degmada Laasgeel
January 16, 2016 - Written by admin

Dadweynaha ku dhaqan Tuulada Dacar-budhuq ee Degmada Laasgeel ee Gobolka Saaxil, ayaa ka digay in Warshadda Hargaha ee Shiinaha qalabkeeda halkaa laga raro, ka hor intaan laga nidaamin Hadhaagga Suntii Warshaddaasi ku shaqeyn jirtay oo weli dhooban Agagaarka Tuuladaas, isla-markaana aan la bixin Mag-dhowga Dad ay sheegeen in dhibaato Caafimaad ka soo gaadhay.

Dadweynaha, ayaa Saxaafadda u sheegay in Suntii Warshadda Hargaha ee Muwaadiniinta Shiinaha u dhashay ka hirgaliyeen Duleedka Dacar-budhuq dhibaato Caafimaad oo laxaad leh gaadhsiiyey Dadka halkaa ku dhaqan, gaar ahaan Dhalliyaradii Shaqaalaha ka noqday iyaga oo aan la siin tababbaro ay kaga badbaadi kari lahaayeen khatarteeda.

Waxay Warbaahinta u soo bandhigeen Magacyada dhowr iyo labaatan Qof oo markii Warshadda Hargaha la furay ka noqday Shaqaale, laakiin, Suntii ay ku shaqeynayeen ka qaaday Xanuunno gaadhsiisan illaa Waalli.

“Warshadda Hargaha markii la furay aqoon umaanaan lahayn inay leedahay Sun. Waxaanu is lahayn dhallinyarada ayaa shaqo idiinka heli, laakiin, dhibaato ayaanu kala kulanay oo Dadkii u shaqo tagay ayaa koomo ku galay (Suntii), Dadkaana waxa ka mid Cabdirisaaq (oo aan anigu dhalay) oo khatar ku galay.” Ayay tidhi, Hooyo Xaliimo Rooble oo ka mid ah Guddida Caafimaadka Degmada Laasgeel.

Xaliimo oo sidoo kale ka mid ah Guddida Caafimaadka ee Degmada Laasgeel, ayaa sheegtay in aanay Mulkiilayaasha Warshadda Hargaha wax heshiis ah la gelin Dadka dhibaatadu ka soo gaadhay markii la shaqeylaysiinayey, “Wax Heshiis ah lamaanu gelin, oo Dawladda ayaa Gacanta ku haysatay, haddaanu Dawladda Dacwad ula tagnana waa la naga hor-imanayey uun.” Ayay hadalkeeda raacsisay, waxayna xustay in Sunta Warshadda Harguhu isticmaali jirtay uu ku Geeriyooday Nin ka mid ahaa Shaqaalaha Warshaddaas oo ay sheegtay inuu Rogi jiray marka la soo dejiyo Sunta.

“Waxaanu doonaynaa in Warshaddu aanay nagala guurin wixii Xuquuq ay lahaayeen Dadkayaga wixii Dhimasho iyo dhaawac ah, farriintaana waxaanu u direynaa Xukuumadda Somaliland, waxaanuna leenahay yaan Ninkaa Shiinaha ah la xaqsiin ee la eegaa Dadkayaga dhibaatadu ka soo gaadhay Warshadda.” Ayay mar kale tidhi, Xaliimo Rooble.

Diiriye Xasan oo ka mid ah Waayeelka Dacar-budhuq, ayaa Saxaafadda u sheegay in markii Warshadda laga dhisayey tuuladooda loo sheegay inay faa’iido u leedahay Dadka, laakiin, arrinku sidaas ka beddelmay markii dambe, “Markii Warshadda la keenayey waxaanu moodeynay inay faa’iido noo leedahay, laakiin, Ur mooyaane wax kale oo ay noola yimaaddeen kamaanu arag.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Inta qof ee Luguhu ku go’een ee aan wax Xaq ah la siin baa Ciidda ka badan, markaa ha naga guuraan.”

Ibraahim Axmed Cabdillaahi oo ka mid ah Dadka Degmada Laasgeel, ayaa isaguna sheegay, “Warshaddan markii hore waxa la nagu yidhi waxay samaynaysaa Waraaqaha iyo waxyaabo kale, laakiin, Suntii Hargaha ayuun bay meesha keeneen. Waxaanu leenahay Suntaa ha lanaga hagaajiyo intayna guurin.” Ayuu yidhi.

Cabashada Dadweynaha reer Dacar-budhuq ka muujiyeen dhibaatada Caafimaad ee Warshadda Harguhu gaadhsiiyey, oo wax laga waydiiyey Xoghayaha fulinta ee Degmada Laasgeel, ayaa xaqiijiyey jiritaanka arrintaas, waxaanu xubno ka mid ah Saxaafadda dul-geeyay ilaa toban god oo lagu daadin jiray (Qubi jiray) hadhaaga Sunta Warshadda oo ku yaalla duleedka tuuladaas.

Xoghayaha, ayaa sheegay in aanay macquul ahayn in Warshadda qalabkeeda laga guro halkay hadda ku taallo, illaa inta ay Nadiifinayso deegaanka ay Wasakhaysan, maaddaama buu yidhi Dadka iyo Xoolaha ku noolaa halkaasi khatar ugu jiraan Suntaas, “Halkan waxa yaala hadhaagii Sunta Warshaddu isticmaalaysay oo nooc walba iskugu jira. Waxaanu markii hore heshiis ku galnay in Hadhaaga Sunta Warshadda la gubo, laakiin, waxba lagama qaban, sidaa daraadeed, waxaanu u sheegaynaa Xukuumadda way guureysaa Caqli-gal maaha, ee waxaanu doonaynaa in Wasaaradaha arrinamaha ku shuqul lihi eegaan, waana in Wasaaradaha Caafimaadka, Warshadaha iyo deegaanku u soo diraan Khuburo oo la eego.”

Xoghayuhu waxa kale oo uu ka hadlay, “Xaaladda Caafimaad ee degmada ma qiyaas kartid, waayo? Waxa dhalanaya Carruur Madaxu weyn yahay. Dumarkii way dhicinayaan.”

Cabdiraxmaan Siciid oo ka mid ah Guddida Caafimaadka degmada Laasgeel, ayaa isaguna sheegay, “Intii Warshaddu ku taalay deegaanka waxa ku dhaawacmay Dhowr iyo labaatan qof oo qaarkood ay soo gaadheen dhaawacyo, halka qaarkoodna waasheen.”ayuu yidhi.

Maamulaha Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Jamaac oo isagana arrintan wax laga waydiiyey, ayaa xaqiijiyey in Dad wax ku noqday Warshadda Hargaha ay u gudbiyeen Cisbiaallada Hargeysa, markii ay halkaa waxba kaga qaban kari waayeen.

COMMENTS
Latest News