Maalmahanews.com
Barnaamijka Qanci Dadkaaga: Qowlkii Xirsi Cali Xaaji Xasan Iyo Shacbiyadda Uu Ku Kasbaday Bisaylkii Uu Soo Bandhigay
January 16, 2016 - Written by admin

Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa qaan-gaadhnimadiisa siyaasadeed iyo baysalkiisa siyaasinimo  ku soo bandhigay barnaamij la magac baxay “Qanci dadkaaga” oo dhawaan Telefishanka Horn Cable ka Baxay.

Barnaamijkaasi oo lagu waydiiyay su’aalo adag oo qaarkood si khakhsi ah loogu beegsaday, haddana habkii iyo hanaankii uu uga jawaabay waxay dibada u soo saartay inuu yahay siyaasi gaadiiday oo  diyaar u ah inuu ummadiisa u xambaaro mansabkii uu iska casilay Bishii October ee kal-hore iyo mid ka sii weyn-ba.

Ra’yul caamka bulshaddu waxay goobaha barkulanka sida muqaaxiyaha laga shaaheeyo, majlisyadda iyo baraha Inter-net-kaba ay kaga faalloodeen waraysigii iyo su’aalihii gole ka fuulka ahaa ee lagu waydiiyay intii uu socday Barnaamijkani. waxa dadweynuhu ka sinaayeen xataa kuwa ka soo horjeedaa inay u qireen inay ka muuqatay daacadnimo, xilkasnimo iyo inuu yahay nin dhalinyarro ah oo siyaasadda foolaad ku ah.

Dadka qaar waxay qabeen in dhalinyaradii iyo martidii TV-ga ee su’aalihiisa iyo dhegaysiga aragtidiisa u soo xaadirtay inay shan laab ka badnaayeen tiradii dadkii barnaamijyadii hore  ka soo qeyb geli jiray. haddana uu ku guulaystay inuu dhegahooda hanto. su’aalihii ay qabeen oo ahaa kuwii ugu badnaa ee barnaamijkan soo maray uu si karti leh  uga jawaab celiyay.

Waxa dhalinyarradii barnaamijkaasi ka soo qeyb galay ay sacabka kala go’yn waayeen markii uu yidhi “Waxaan is lahaa su’aalihiinu intaas way ka adag yihiine, waxaad i weydiiseen su’aalo fudude.”

Waxa dadkii barnaamijkan falanqeeyay ay ku doodeen inuu waraysigiisa ay ka muuqatay inuu yahay siyaasi run sheegnimo caado u tahay isla markaana mabda’iisa oo kaliya ku guura,kuna sahan taga.

“Ninka la Yidhaahdo Cabdirisaaq Suudi,waxa uu yidhi Madaxweyne dalka kama talliyee dadkii ka talin jiray baad ka mid ahayd.waxaan isleeyahay runtii taasi waa gef oo dalku madaxweyne ayuu leeyahayoo loo doortay. Anigu(Xirsi) anigoo ka tagay shalay odhan maayo Madaxweyne ma jirin iyo wax noocaas ah, arrintaasi waa ceeb oo waa cay. qaran baynu nahay,qaranka madaxweynihii loo doortay wuu joogaa, isagaa talliya oo aan la shaqeynayay laakiin siyaasadiisa ayaan ku qanci waayay. cayduna siyaasad maaha. C/risaaq Suudi waxaan arki jiray isagoo ereyo noocaas oo kale ah oo hooseeya ku cabbiraya.

COMMENTS
Latest News