Maalmahanews.com
Sheekha Diwaanka Sakadda Oo Madaxweynaha Ku Bogaadiyay Fulinta Xukunada Dilka Ah
January 15, 2016 - Written by admin

Guddoomiyaha diwaanka Sakadda Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire, ayaa madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku hambalyeeyay fulinta qisaasta xukunada dilka ee la fuliyay.

Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire oo khudbadii salaada jimcaha ee maanta ka jeediyay mid ka mid ah masaajidada waaweyn ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan xaafada Jigjiga yar, ayaa madaxweynaha ku bogaadiyay tallaabadii dhawaan qisaasta lagu fuliyay afartii gacan ku dhiigle.

“Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo go’aankii uu ku saxeexay in la fuliyo qisaastaas, waxaanu leenahay ILLAAHAY madaxweynaha miisaanka xasanaadka aakhiro ha u saaro, caafimaadkana ha u siyaadiyo, inta xilka u hadhayna ILLAAHAY sidaas ha ugu wado, oo horumarkaa iyo guulahaas is daba jooga ah ugu waaro,”ayuu yidhi Sh. Siciid Maxamed.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatada ay caalamka Islaamka u leedahay mahdabta Shiicada, khaasatan ay qulqulatooyinka iyo fowdada ay ka wadaan dalalka Carabta, ee Sunniga ah, gaar ahaan Suuriya, Yemen, Ciraaq iyo Sacuudi Arabia, waxaanu ka waramay mahdabtaasi xiligii ay bilaabantay iyo xumaanta ay u hayaan muslimiinta Sunniga ah.

“Ummadda Islaamka ah waxaa ku waajib ah in ay tallaabadan wanaagsan ee xukuumaddu qabato ay ku hambalyeeyaan, wixii khaldanna ay si asluub leh oo aan warbaahinta la isu marin la isugu sheego, mar labaad iyo mar saddexaadba waxaanu madaxweynaha ILLAAHAY uga baryaynaa in uu u barakeeyo caafimaadka iyo cimriga, xilkana u fududeeyo, qisaastana sida uu ILLAAHAY quraankiisa inoogu sheegay waxay nololi ugu jirtaa ummada Islaamka, waana arrin waajib ah oo diini ah iyada oo ay xaq u leeyihiin ehelada wax laga dilay in ay qaataan mag,” ayuu yidhi Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire.

Guddoomiyaha Diwaanka Sakadda Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay mahdabta Shiicada iyo waxyeelada ay ku hayso dunida Islaamka, waxaanu yidhi “Mahdabtan Shiicada waxaa bilaabay nin Yuhuudi ah oo reer Yamaneed ahaa, in badan ayaanu ku dhex wareegayay ummadda Islaamka ah.”

“Mahdabtaasi aakhirkii waxa ay ku faaftay Dalka Masar, waana sababtii keentay dilkii Cusmaan Binu Cafaan ILLAAHAY raali ha ka ahaadee, waxaanay kow ka ahayd mahdabtaasi ninka Yuhuudiga ahi bilaabay dagaaladii waawaynaa ee Islaamka dhexdiisa, waxaana ka buuxa cadaawad iyo ceebayn ay u hayaan guud ahaan ummada Islaamka ah ee suniga ah, waxaanay ceebeeyaan Amiirradii Islaamka ee Cumar iyo Abuu Bakar Sidiiq iyo hablahooda” Guddoomiyaha diwaanka Sakadda Somaliland Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire waxaanu intaa ku daray “Dadka aaminsan mahdabtan Shiicadu waxa ay cibaato u haystaan iyo in ay xasanaad ka helayaan cayda Amiiradii Muslimiinta iyo dadkii xurmada ku lahaa Islaamka, waxaanay ku doodayaan in ay jecel yihiin ehlu baydka, waxyaabo badan oo khuraafaad ah ayaana ka buuxa, sida in Quraanka kariimka ahi aanu ahayn lix kun lix boboqol iyo lixdan aayadood ee la kala jaray, waxaanay sheegaan in uu ahaa todoba iyo toban kun oo aayadood, waxa kale oo ay aaminsan yihiin in meelihi ay ku aasnaayeen Xasan Xuseen ay ka fadli badan tahay Maka Al-mukarama, markaa dadkeena leh maxaa Shiicada loo sheeganayaa ee u haysta wax wanaagsan waxaan uga digayaa in ay la socdaan cadaawada iyo curfiga ay u hayaan ummada Muslimka ah ee Suniga.”

Guddoomiyaha Siciid Maxamed Faarax Jire waxa kale oo uu maxkamadaha iyo bahda garsoorka Somaliland ku bogaadiyay tallaabadii ay ka qaadeen nin Bagastaaniga ahaa ee dhawaan la xukumay, waxaanu yidhi “Ciidamada Nabadgelyada iyo Maxkamadu tallaabo wanaagsan ayay ka qaadeen ninkaasi lagu eedeeyay in uu fidinayay Mahdabta Shiicada, waxaan soo jeedinayaa in dalka laga masaafuriyo marka uu xukunku u dhamaado.”

COMMENTS
Latest News