Maalmahanews.com
Nin Dad qal ah oo Neef Xoolo ah ku cunay Deegaanka Burco
January 15, 2016 - Written by admin

Habeenimadii Xalay magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer gaar ahaana Xaafada Candlelight ka Dhacday Dhacdo layaableh kadib Markii Xaafadaasi lagu Cunay Neef Xoolo ah oo Sida la sheegay uu neefkaasi qashay Nin Qaba Xanuunka Juudaanka Ama (Dad-Qalka).

neef

Maagalada Burco ayaa waxa maalmihii u danbeeyey Kasoo If-baxayay Dhacdooyin Isdaba Joogaa oo aan Hore Looga Arag Iyadoona Ay so baxeen Dad Qaba xanuunka Juudaanka ama Dad-qalka Kuwasi Waxyeelo Badan Oo Nafeed Gaystay, waxaana habeenimadii Xalay Neef Xoolo ah lagu Cunay Xaafada Candlelight-ka oo Udhaw suuqa Wayn ee magaalada Burco Iyadoona Neefka sida Sawirada Idiinka MUuqata laga Dalooliyay Xididka way nee halbawlaha ah eek u yaaala Luqunta isla Markaaana laga Jaqay Dhiiga.

Dhacdadan xalay ka dhacday magaalada Ayaa waxa ka Horeysay Dhacdo Iyaduna sidan oo kale oo Inan yar oo afar Jira lagyu cunay Tuulada wadhan oo u dhaw magaalada Burco iyadoona Lagu eedeyey inuu cunay Nin Itobiyaan ah oo ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Burco.

Hadaba maamulka Gobolka Togdheer, Kuwa Degmada Burco, laamaha Amaanka Ayaa iyagu gabi ahaanba ku fashilmay Inay adkeeyaan nabad-galiyada magaalasda Burco iyadoona ay maalinba Maalinta ka Danbaysay ay soo Badanayaa dhacdooyin Ugub KU ah Amaanka Gobolka Isla markaana abuuraysa Cabsi Iyo WarwAR Fara Badan.

Sidoo kalena masuuliyintan Ayaan iyagu ah kuwo ka Gaabiyay Inay soo QabQabtaan Dadka Dhibaatooyinka Gaysanaya ee Qaba Xanuunka Juudanka Xili ay baaqyo kala Duwan ee Cabasho ah ay kazoo baxayaan BUlshada Gobolka Togdheer, sidoo kalena ay soo badanayaan dadka Ajaanibka ah ee Aan habayaraatee Wax sharci ah haysan aana kusoo galin dalka taasi OO dhabar jab wayn ku noqonaysa Amarkii kazoo baxay Xukumada madaxwayne Siilaanyo ee ahaa inay si dag daga uga baxaan dalka dadka Ajaanibka ah ee Aan haysan Sharciga Dalka.

 

COMMENTS
Latest News