Maalmahanews.com
Shaqaalaha Haamaha kaydka oo Ka gadooday Shaqo joojinta maamulka haamuhu ku sameeyeen xubno Ka mid ah shaqaalaha iyo khilaafkii oo markale cirka isku shareeray
January 14, 2016 - Written by admin

Maamulka haamaha kaydka shidaalka ee magaalada berbera iyo shaqaalaha ka hawlgalla xarunta haamaha kaydka shidaalka ayaa markale,waxa dib u bilowday khilaafkii iyo murankii u dhaxeeyey arin

Waxaana warar xogogaal ah  oo aanu helnay tbaaxeen in shaqo joojin loo soo qoray  laba nin oo ka tirsanaa shaqaalaha haamaha kaydka shidaalka mid ka mid ahi ahaa gudoomiyihii gudida shaqalaaha ee loo xilsaaray inay soo gudbiyaan cabashada shaqaalaha oo lagu magacaabo sacad Maxamed ducaale iyo maxamed nuux ceelaabe oo muddo fasax ugu maqnaa  geeri ku timid eheladiisa balse markii uu soo noqday loo dhiibaya warqadii shaqo joojinta ahayd loona diiday inuu gallo xerada haamaha kaydka  iyadoo arintaasina sababatay inuu ninkaasi oo 53 jir ah uu ku dhufto xanuunka dhiig karku haatana lagu daaweeynayo cusbitaalka magaalada berbera

Qaar ka mid ah shaqaalaha ka hawlgalla haamaha kaydka shidaalka oo ku sugnaa cusbitaalka magaalada berbera, ayaa sheegay inaanay jirin sabab cad oo kaliftay in shaqo joojinta lagu sameeyo gudoomiyihii loo xilsaaray inuu soo gudbiyo cabashada shaqaalaha, iyo ninkan, muddo dheer ahaa shaqaalaha haamaha kaydka shidaaalka,waxaanay ku sababeyeen inay tahay mar marsiyo ay shirkaduhu ku marin habaabinayaan,hawshii turxaan bixinta shaqalaha iyo shirkadaha la wareegay maamulka haamaha ,

Waxaanay ka warameen wakhtigii ay la wareegeen maamulkan cusub haamaha kaydka waxyaabihii dhexmaray shaqaalaha iyo maamulka haamaha

Iyagoo tilmaamay inay markii ay si rasmi ah ula wareegeen haamaha ay shaqaaalaha la yeesheen shir ay kaga hadleen sidii loo wada shaqayn lahaa. Wixii khilaaf iyo mad madaw soo dhex gallayna la dhameeyo

Arintaasi ay shaqaaluhu la qaateen maamulkii ay shirkaduhu samaysteen ee la wareegay hawsha haamaha , balse muddo yar ka dib waxa dalooshamay taani ka mid ah taaniyada lagu kaydiyo naaftada oo loo yaqaan taani 5 oo ay ku jireen shidaal dhan 3.500.000$ waxaana si hagar la,aaan ah uga hawlgallay badaadinta shidaalka dhamaan shaqaalihii haamaha kaydka shidaalka markii ay shaqaaluhu ku guulaysteen hawshaasi waxay soo bandhigeen in abaal marin la siiyo shaqaalaha laakiin waxa lagu koobay labaatan qof oo mid kiiba la siiyey 200$ arintaana waxa looga dan lahaa sidii shaqaalaha looga dhex abuuri lahaa colaad si meesha looga saaro shaqaale la doonayey in shaqada laga caydhiyo ayey yidhaaheen xubnahan shaqaalaha ah ee noo waramay, waxaanay  intaa ku dareen in muddo ka dib

Waxay soo dhigeen arin aanu aad ula yaabnay oo ay noogu sheegeen in shaqaalihii la keenay haamaha intii xisbiga kulmiye ka talinayey dalka inay sii shaqayn karaan muddo lix bilood ah.

Shaqaalihiii  ka horeeyey dawlada kulmiyena ay  sii shaqayn doonaan muddo sanad ah, arintaasi oo nagu noqotay fajaciso iyo yaab waxa ku kalifay inay shaqaalaha u kala saaraan nidaam aan hore loo arag waxa kaloo ay maamulka haamuhu  ay mushaharkayaga ka jareen calaa qof lacag dhan 60$ oo ay dheertahay amar ah inaanu shaqayno labada galinba, iyadoo talaabadii ugu dambaysayna ay ahayd heshiis cusub oo aan ku jirin heshiis yadii ay dawlada la galleen ka hor intii aanay la wareegin maamulka haamaha.

Qodobada ay sida gaarka ah u tilmaameen waxa ka mid ah inay heshiiska ku soo dareen in qof kasta oo ka tirsan shaqaalaha haamuhu soo kaxaysto damiinul maal, hadii kale aanu ka mid ahayn shaqaalaha haamaha,arintaasi waa tii kaliftayinay shaqaaluhu ka biyo diidaan ee dawlada iyo maamulka gobolkuba ay arinta soo dhex galleen ee gudida loo saaray, iyadoo arntii laysla meel dhigina ay ku talaabsadeen inay shaqo joojin ku sameeyaan cidii shaqaalaha metelaysay ee dawladu u xulatay  waxaanay shaqaalahani ku cel celiyeen in xukumadu arinta si deg deg ah wax uga qabato oo ay u soo kala gaadho shaqaalaha iyo shirkadahan maamulka la wareegay oo ay ku tilmaameen inay abuurayaan arimo keeni kara dhibaatooyin kala duwan.

Geesta kale guddooomiyaha gobolka saaxil oo aanu arintaasi wax ka waydiinay ayaa sheegay inay u yimaaddeen, inamada shaqaalaha oo ka cabanaya nin shaqaale ah oo shaqada laga joojiyey. Isla galinkii dambe ayey hadana ii yiimaadeen iyagoo  ka cabanaya in nin kale oo shaqaale ah isagana shaqada laga joojiyey,markaa walaal anigu waxaan u baxay meel magaalada ka baxsan waxaanan u baxay arin ku saabasan beebka biyaha keena magaalada oo hawlo shaqo ka socdeen markii aan soo  noqday waxaan la hadlay agaasimihii wasaarada ganacsiga,arinta runtii iyagaa ku shaqo leh waanay imanayaan sabtida qoladan maamulka hamaha beri ayaan la kulmayaan waxaanan cadaynayaa inaanay aqbali doonin wixii dulmi ah hadii ay jirto sidoo kale shaqaalaha laftooda laga aqbali maayo hadii ay sifo sharci daro ah ay wax u doonayaan, arintaasina, sida ugu dhakhsaha badan waxa ka soo bixi doonan go,aamo lagu soo afjaro khilaafkaasi

Sidoo kale waxa cusbitaalka magaalada berbera lagu daaweeynayaan nin lagu magacaabo maxamed nuux ceelaabe oo markii shaqada laga joojiyey uu ku soo booday xanuunka dhiig karka oo u jiifo cusbitaalka magaalada berbera

Arinta maamulka haamaha kaydka shidaalka ee magaalada berbera  ayaa ah arin dalka ka abuurtay dhibaatooyin is daba jooga oo ay ka mid ahaayeen dagaalkii gacan ka hadalka ahaa ee dhexmaray shirgudoonka golaha wakiilada mudaharaado ka dhacay magaalada berbera jid gooyooyin lagu waxyeeleeyey gaadiid ka soo qaaday shidaal magaalada berbera oo  ay jid gooyo u galleen dad  diidanaa wareeginta haamaha kaydka shidaalka

Shirkadaha shidaalka ayaa wakhtigaasi soo bandhigay qorshayaal ay ku sheegeen inay ku maal galinayaam haamaha kuna dayac tirayaan sidoo kalena ay ku balaaadhinayaan si dalku u hello kayd shidaal oo kul filnaan kara muddo, balse ma jirto wax isbedel ah oo ka muuqda  haamaha iyo qorshe ku tallo gall oo  shirkaduhu ka yeeheen waxqabadkii  ay sheegeen xiligii ay damacsanaayeen inay la wareegaan maamulka haamaha, sidoo kale waxay wararku sheegayaan inay jirtaan muran iyo xuruf ka dhaxaysa shirkadaha laftooda taasina ay keentay inay isu adeegsadaan shaqaalaha iyo inay abuuraan xaaalad kale waxaana si gaara farta loogu fiiqayaa inay dhibaatada ugu badan ay waddaan masuuliyiinta shirkada redsea oo  xubnaha shuraakada ku ah ay badi ka soo jeedaan gobolka saaxil iyadoo wakhtigana uu gudoomiye ka yahay cali yaasiin kooshin oo xilka gudoomiyaha shirkadaha kala wareegay  mudane xasan xaaji oo isagu ahaa gudoomihii  shirkadaha wakhtigii lagu guda jiray wareeginta haamaha balse haatan dalka dibada uga maqan kuna sii wareejiyey cali yaasiin. Oo dhawaan xukumadu u xidhay khilaafka shaqaalaha iyo maamulka haamaha.

Arintan ayaa laga cabsi qabaa inay abuurto xaald nabad gallyo darro maadaaama dadwaynaha gobolka saaxil ay si wayn u diidanayeen wareeginta haamaha  kaydka shidaalka  ilaa haatana ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay xukumada Somaliland gaar ahaan wasaarada ganacsiga.

COMMENTS
Latest News