Maalmahanews.com
Maxaa Kala Qabsaday Haween Ka Gadoodsanaa Iyo Oromo Koox Koox U Socota?
January 14, 2016 - Written by admin

Iyada oo ay maalmihii ugu dambeeyey isa soo tarayeen warar aan intooda badan la xaqiijin oo sheegaya in rag Oromo ahi meelo kala duwan ku qasheen ubad yaryar oo ay dhiigga ka cabeen kii ugu dambeeyeyna warbaahintu saacadihii la soo dhaafay ka soo wariyeen gobolka Togdheer ayay shalay dhacdo layaab lihi ka dhacday magaalada Hargeysa xaafadda 26-ka June kadib markii kooxo haween ahi ku gadoodeen oo ay dhagxaan iyo ulo ku baacsadeen koox Oromo ah.
Haween gadoodsan oo ku qaylinayey ereyo ka dhan ah Oromada sida daadka ugu soo jabtay geyiga Somaliland ayaa shalay dirqi lagaga badbaadiyey kadib markii ay isku haleeleen goob u dhaw suuqa idaacadda ee degmada 26-ka June wakhti hore oo subaxnimo oo ay haweenkaasi u soo adeeg doonteen sariibadda suuqa Gobonimo.
Habeen u badnaa kuwii u soo adeeg doontay suuqaasi ayaa iyaga oo hab koox ah u socda waxa ka soo hor baxay raxan dhan oo haween iyo rag isugu jira oo Oromo ah kuwaasi oo subaxnimadii hore in badan oo ka mid ahi u soo kallaheen dawarsi iyo in ay dadka tuugsadaan halka kuwo kalena shaqooyinka hoose u soo kallahayeen waxa mar kali ah is haleelay ku dhawaad 7 haween ah oo jid ku kulmay iyo kooxdii Oromada ahayd ee kallahaysay waxaanay haweenkii muwaadiniinta ahaa miciinsadeen qaylo iyo dhagxaan ay ku tureen dhawrkii qof ee Oromada ahaa ee ka soo hor baxay sida uu FOORE u xaqiijiyey ganacsade goobta la isku haleelay goodhi yar ku haystay.
Haweenka muwaadiniinta ahaa ayaa ku qaylinayay ereyo ka dhan ah dadka soo galootiga ah gaar ahaan Oromada oo ay ku eedeeyeen in ay dalkii qabsadeen markii cidi waxba ka qaban waydayna ay u soo dhigteen in ay caruurta yaryar qashaan oo dhiigga ka cabaan waxaanay si qiiro leh ugu dhiirranayeen in ay gacanta ula tagaan balse waxa soo kala gaadhay dadkii kale ee wakhtigaasi jidka marayay oo ku soo xoomay kuwaasi oo kala dhex galay Oromadiina eryay haweenkiina ka joojiyey. Nacaybka ka dhanka ah dadka soo galootiga ah gaar ahaan dadka Qawmiyadda Oromada ee maalin walba ku soo qulqulaya dalka ayaa isa soo taraya kuwaasi oo culays weyn oo bulsheed iyo dhaqan ku haya dalka walina aanay xukuumadihii kala dambeeyey ku guulaysan in ay xakameeyaan.
Dadka Oromada ah ee ka soo hayaamaya wadanka Itoobiya ayaa maalin walba tiradoodu sii kordhaysaa iyada oo wakhtiyadii ugu dambeeyey la soo warinayo laba kiis oo ka dhacay gobolada Sool iyo Togdheer oo sheegaya in rag Oromo ahi ubad yaryar halkaasi ku qasheen taasi oo cirka ku sii shareertay walaacii iyo cadhadii laga qabay Oromada dalka qabsatay. Illaa imika ma jiro xal iyo qorshe xukuumaddu u dejisay sidii wax looga qaban lahaa dadka soo galootida ah gaar ahaan Oromada oo si xawli leh dalka ugu soo qulqulayay 20-kii sano ee ugu dambeeyey iyada oo ay mar walba fashilmaan isku dayada Boolisku dadkaasi ku celiyaan oo marka la celiyoba in badani dib u soo noqdaan kuwo kale oo hor lihina soo degaan dalka.

COMMENTS
Latest News