Maalmahanews.com
Danjiraha Somaliland U Fadhiya Paris Oo Si Aadag U Difaacay Faa’iidadda Xeerka Baananka Ganacsiga
January 14, 2016 - Written by admin

Safiirka Somaliland u fadhiya magaaladda Paris ee caasimadda wadanka Faransiiska danjire Cali Ismaaciil Xasan, ayaa ugu baaqay golaha Wakiiladda Somaliland in ay ansixiyaan xeerka baananka ganacsiga oo doodiisu ka socoto golaha.

 Waxaanu sheegay safiirku in xeerka baananka ganacsigu uu ka mid yahay waxyaabaha  hor taagan in ay Somaliland maalgashi caalami ah,  isagoo tusaale u soo qaatay baanka  loo yaqaano BICMR  ee ku yaalla magaaladda Hargaysa oo aan wax shaqo ah qaban, isla markaana muddo todoba sanadood ka badan jiray.

Danjire Cali  Ismaaciil Xasan, oo shalay telefoonka kula soo xidhiidhay wargeyska DAWAN  isagoo  joogay magaaladda Paris,  waxa uu u soo jeediyay golaha Wakiiladda in ay xil iska saaraan, isla markaana hoos u eegaan  faa’iidadda uu xeerkaasi u leeyahay dalka iyo dadkaba. Waxaanu tilmaamay in aan loo baahnayn in   dood iyo   khilaaf la gelinin waxyaabaha danta guud ah.

Isagoo ka hadlayay sababta uu noola soo xidhiidhay iyo waxa uu doonayo in uu ka hadlo, waxa uu yihi “Waxaan doonayaa in aan wax yar ka taabto xeerka baananka ganacsiga ee ay doodiisu ka taagan tahay golaha wakiiladana  horyaalla, oo ay doodiisu  socota.  Anigoo  cabirayo aragtidayda   iyo waayo aragnimadayda,  gorgortanku  wixii danta guud ah kuma wanaagsana, had iyo jeer in danta aguud laga eego ayay ku fiican tahay, taasi oo ah dalka Somaliland waa muslim  bulshadiisu dhamaantoodba,  aduunkana  muslimku inaga uun ma aha ee wuu badan  yahay,  nidaamka islaamiga ah iyo nidaamkan kale ee aduunku  ku shaqeeyo mid inaga uun inagu gaara ma aha, oo haddii aan tusaale soo qaato dawladda Jabuuti, labadda  hab ee baananku u shaqeeyaan labaduba way is-barbar socdaan, oo way ka shaqeeyaan”.

Waxaanu intaasi ku daray “Anigoo  rukun ka dhiganaya,  magaaladda Hargeysa waxaa  ku yaalla baanka Jabuuti ee  la yidhaahdo BICMR,  oo ah baan ay ku bahoobeen dawladda Jabuuti iyo shirkad  Faransiiska ah  iyo dawladda  Yamen, iyadoo  inta badan uu leeyahay  Faransiisku oo ah 51%.  Baankaasi   muddo todoba sanadood ah uu jiray, wax shaqo ahna aanu weli qaban,  sababta  todoba sanadood u shaqayn waayayna waa xeerka baananka ganacsiga ee aan Somaliland ka jirin.   Dhibaatooyinka  uu  horumar u gaadhi waayayna, waxa ka   mid ah xeerka baananka oo hortaagan inuu shaqeeyo”ayuu yidhi safiirka Somaliland u fadhiya Paris.

Waxa kale oo uu sheegay danjire Cali, in nidaamka maamulka baananka ee islaamiga ah uu lama huraan u yahay in uu Somaliland ka shaqeeyo maadaama oo ay dadkiisu muslim yihiin, hase yeeshee hadana  loo baahan yahay in waxyaabaha kale ee horumarka keeni kara in iyagna aan laga tegin.  Waxaanu yidhi “Sidaas darteed, ummadda Somaliland waa ummad muslim ah, keligoodna ma aha , ee ummado badan ayay la wadaagaan nidaamka Islaamku waa lama huraan, laakiin waa  in aad loogu fiirsadaa, aduunkana wadamo badan oo islaam ah ayaa ku dhaqma, arrintaasina waa in aad loo eego. Qofna khasab kuma aha,   ninka doonaya inuu  baan lacag dhigto,  ninka lacag dhiganayana  baan  wuxuu ku caawin karaa lacagta macaash-macaashka  ee ka soo baxda   dalka Somaliland oo aad xagga  horuamrinta, xag   dhaqaale,  xag caafimaad iyo meelo kaleba u baahan, oo   hay’adaha samo-falka ayuu lacagtaasi u sii marsiin akraa.  Ka  ka lacagtiisa ka daysanayana lama khasbayo, oo  naftiisa ayuu wax u doonayaa, waa nin wax korodhsanaya markaa danta guud iyo wixii ay  bulshadu wada wadaagto in la hor istaago ma aha.”

Danjire Cali Ismaaciil ayaa ugu baaqay golaha Wakiiladda in ay heerkaasi hoos u eegaan, isla markaana ay ka eegaan dhinaca danta guud iyo wixii dalka iyo ummadda faa’iidada u keenaya. Isagoo xusay in labadda nidaam ee maamulka  baananku ay is-bar-bar socon karaan sida ka jirta wadamo badan oo islaam ah.   Waxaanu yidhi  “Golaha wakiiladda waxaan odhan lahaa si xilkas ah, oo maskax leh, oo cilmiyeysan in loo eego, oo danta guud ee ummadda iyo qaranku ku jirto.waayo   shacabka ayay metelaan goluhu, markaa waxaan qabaa anigu, labadda nidaam ee maamulka xeerarka baananku way is-bar-bar socon karaan, oo bani’aadamku iyaga ayaa kala dooran kara, laakiin ninka  baanka doonaya in uu lacag dhigto    wixii sii in uu  la noqdo ayuu rabaa, si wixii sii uu ula noqdana waa inu baanan uu isagu aaminsanayahay,    ama dalkiisa maalgashi ku sameeyaa, waa inay jirto ayaa meesha imanaysa. Waa  waayo aragnimadayda waxan  aan anigu ka hadlayaa, waa dhibaatooyinka ina haysto ee la ii igmaday, anigoo dal weyn jooga, waa waxyaabaha I hortaagan ee aan ka talaabsan kari   waayay,  iyada iyo cayimisyadu”.

Ugu danbayn safiirka oo aanu waydiinay  faa’iidadda uu dalka u keeni karro haddii xeerkani la ansixiyo, waxa uu ku jawaabay  “Sababta igu kaliftay in aan doodan ka hadlo,  waxaan  ogahay ama uurkayga gubaysa, baahida loo qabo in xeerkan  la helo, todoba sanadood ayaa I hortaala baan,  bukaan-jiif ah,  oo haddii    si fiican looga shaqaysiiyo   wax badan soo kordhin lahaa,  Jabuuti  ayaa ka mid ah wadamada ka faa’iidaystay baankaasi.  Markaa  anigu waxaan ka hadlayaa waa aragtidayda, cid aan wax ula jeedaana ma jirto, baarlamaankuna dadka ay metelaan ayaan  ka  mid ahay,  ee soo dooratay” ayuu yidhi safiirku.

 

COMMENTS
Latest News