Maalmahanews.com
“Baaqa CULIMADU waa in Baananku yareeyaan faa’iidada ay dadka saarayaan, Masaakiinta iyo Dadka danyarta ahna Amaahda siiyaan…” Sheekh Maxamed Cumar Dirir
January 14, 2016 - Written by admin

Cidhib xumo ayuu ku leeyahay Cidda go’aankaa Qaladka ah gaadha (ee ansixisa Xeerka Baananka Ganacsiga)…”

Culimada waa wayne ee Somaliland, ayaa ka digay Xeerka Baananka Ganacsiga ee Somaliland oo ay ku tilmaameen inuu jideynayo Ganacsi ku salaysan Ribo.

Culimada oo ay ka mid yihiin Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Sheekh Maxamed Aadan Muxumed, Sheekh Almis Yaxya, Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed iyo kuwo kale oo badan, ayaa Shir-jaraa’id oo ay Shalay ku qabteen Huteelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa waxay ku sheegeen inay ka soo horjeedaan in Golaha Wakiilladu meel-mariyo Xeerka Baananka Ganacsiga Somaliland, iyaga oo ku doodaya in aasaaskiisa hore Sharciyeynayo Ganacsi Ribo ah.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, oo ugu horeyn halkaa ka hadlay, ayaa yidhi,

“Cidhib xumo ayuu ku leeyahay Cidda go’aankaa Qaladka ah gaadha (ee ansixisa Xeerka Baananka Ganacsiga). Markaa Shirkan jaraa’id waxa uu ahaa Nasteexo aanu u fidinayno laba qolo. Mid waa Ganacsatada, midna waa qolada uu hor-yaallo (Golaha Wakiillada), qolada Ganacsatada waxaanu leenahay Xoolihiinu waa Xoolahayagii oo waxaynu kala leenahay ma jiro, waayo? Xoolaha aad tabcaysaan annaga ayay na soo gaadhayaan, Qaadhaankii ayaanu idinka qaadanaynaa, Waddanka ayaa lagu Maal-gelinayaa, hadduu Xaaraan noqdo wuxuu ka dhigan yahay kaayagii oo Xaaraan noqday, sidaa daraadeed waanu soo dhaweynaynaa in ILAAHAY Maal idiin kordhiyo, laakiin, waxaanu ka digeynaa in Maalkii uu Xaaraan noqdo, maaddaama oo duul-duulkiisu uu Cid walba gaadhayo.”

Sheekh Dirir, waxa kale oo uu sheegay in Dalalka Reer Galbeedka qaarkood bilaabeen inay ogolaadeen inay Baananka Islaamiga ah laga furo Dalalkooda, halka Somaliland-na doonayso inay furto Bangiyo Ganacsi oo ku dhisan Ribo, “Raysal-wasaaraha Ingiriisku wuxuu ku faanayey oo yidhi waxaanu nahay Dalkii u horeeyay ee ogolaada inaan furo Bangi Islaam ah, iyadoo taana ay faa’idadii ka dareemeen Wanaagga Islaamku uu leeyahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey,

“Walaalaheenna Golaha Wakiilladana waxaynu leenahay waa laga maarmaan inaad masuuliyadda dareentaan, waayo? Masuuliyaddan ILAAHAY baa idinkula xisaabtamaya, Ummadduna way eegaysaa, markaa Raadka aad dhigto Maanta waxa laga yaabaa in lagugu Cadaabo adiga oo Xabaalan. Markaa Golaha Wakiilladu markay doodayaan waa inay ka duwanaadaan sida ay Ummadaha Shisheeye u fikirayaan, waayo? Innagu waxaynu leenahay dareen iyo Mabaa’di gaar ah oo waxaynu ka fogaaneynaa wax kasta oo Mabaa’diidaa duqeynaya.”

Sheekha oo sii hadlaya,ayaa sheegay inay Caalamka Islaamka ka shaqeeyaan 800 boqol oo Bangi oo Islaamiya oo Adduunyada kale la shaqeysta, markaa macnaheedu maaha haddii Xeerka Islaamka la qaato Adduunyada ayaa laga xidh-xidhmayaa, ka Ribadana Adduunka ayaa lagu dhex galayaa maaha.”

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo  ka mid ahaa culimadii shalay sida adag uga hadlay ansixinta xeerka ka-ganacsiga baananka, ayaa sidoo kale talooyin u soo jeediyey dadka furanaya baananka, waxaanu yidhi: Culimadu talada ay u soo jeedinayaan baananku waa inay faa’iidada ay dadka saarayaan ay yareeyaan, dadka wax la amaahinayo  masaakiinta iyo dadka danyartu ku jiraan, oo aan la odhan qofka wax la amaahinaya waa inuu dhaqaalahiisu badan yahay, laakiin dadka wax la amaahinaayo ay ku jiraan dadka masaakiinta ahi,”

Sheekh Maxamed Dirir ayaa raaciyey talooyinkiisii,

“Waa in baananka Islaamiga ahi ay bixiyaan amaah aan dulsaar laheyn  mashaariicda khayriga ah iyo sida dhalinyarada iyo dumarka meesha wax loo qaadaya ay yihiin danguud oo aan laga qaadin wax dulsaara, mararka qaarkood waxaa dhacda mucaalamaadka baanankaasi Islaamiga ahi  samaynayaan in  waxyaabo yar yar oo khilaaf ah ka yimaado oo shareecada baal-marsan, markaa waa in cida wax u fulinaysaa ee shaqaalaha ah ay dabo-galaan.”

Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa ugu dambayn ugu baaqay mulkiilayaasha baananka islaamiga ee dalka ka shaqeeya inay caalamka u sharxaan in aduunka loogu shaqo tegi karo, oo aan laga diidayn, waxaanu yidhi,

“Xeerkii hore goluha Wakiiladu u ansixiyey ee Baananka Islaamiga inay golaha laftiisa u sharaxaan inaanu caalamka inaga xidhayn ee caalamka loogu shaqo tagi karo, markaa macnaheedu maaha in xeerka baananka islaamka qaadashadiisa caalamka lagaga xidhmayo, ka ribadana caalamka lagu dhexgelayo, laakiin doorka ay qaadanayaan baanankeena islaamku waa in golaha wakiilada iyo xukuumada iyo ganacsatadaba in ay usharaxaan oo ay ku qanciyaan, kan Islaamka laftiisaba adiga oo wada inaad kaga shaqa tagi kartid adduunyada, laguna macaashi karo, adduunyadana lagu horumarin karo.”

COMMENTS
Latest News