Maalmahanews.com
Somaliland oo Xukuntay Rag u Dhashay Pakistan oo Mad-habta Shiicada faafinayey & Xukuumadda oo loogu baaqay inay Dalka ka saarto Hay’ad laga leeyahay IRAN
January 13, 2016 - Written by admin

Maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa Xukun ku ridday nin u dhashay Dalka Pakistan oo lagu helay inuu Somaliland ku faafinayey Mad-habta Shiicada iyo Nin kale oo maqane ah, kaas oo lagu eedeeyay inuu Gacan siiyey.

Ninkan u dhashay Pakistan oo Ciidammada Laanta Socdaalka Somaliland dhowr toddobaad ka hor ku qabteen Hargeysa, ayaa Maxkamadda Degmada Hargeysa ku xukuntay hal sanno oo Xadhig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan 3 Milyan oo Shilinka Somaliland ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Cabdirashiid Beer-geel oo ku dhawaaqaya Xukunka Maxkamaddu gaadhay, ayaa yidhi, “Maxamed Rasa Xuseen  oo da’diisu tahay 63 jir iyo Haashim Makera oo maqane ah oo ku gefay qodobka 314 ee Xeerka Ciqaabta guud, khalkhal gelin Arrimo diimeed iyo Xeerka Socdaalka waxa lagu xukumay min Hal sano oo Xadhig ah iyo Min Saddex Milyan oo Ganaax ah (Shilinka Somaliland). Dambiiluhu haddii iibsado Xadhigga iskana bixiyo Ganaaxa, Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland waxa la farayaa inay ka saaraan geyiga Somaliland iyadoo fursad loo siinayo inuu Hantida ka maqan urursado muddo laba bilood ah ama uu u helo Cid masuul uga noqota oo uu kaga tagi karo, si aan Hantidiisa loo dhicin, Maaddaama oo Islaamku ilaaliyey Xuquuqdeeda. Haddii Dambiilahani uu Xadhigga gelo waxa la farayaa Taliyaha Xabsiga Mandheera inuu Meel gooniya ku xidho si aanu Jeelka ugu faafin Caqiiqada Qaldan ee uu Aaminsan yahay ee Shiicada.”

Guddoomiyaha oo sii hadlaya, ayaa sheegay, “Maxkamaddu waxay Xorriyaddiisa u celisay eedaysanaha Saddexaad ee maqan Xasan Cali Siciid, maaddaama oo Xafiiska Xeer ilaalintu eeddii kala noqday lana waayey Cid ku caddeysa dambiga lagu soo eedeeyay.”ayuu yidhi,

Dhanka kale, Guddoomiyaha Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan joojinta Somaliland oo Maxkamadda Degmada Hargeysa horteeda kula hadlay Saxaafadda, ayaa sheegay inay ogyihiin inay Dalka ku sugan yihiin Shaqsiyaad Xuutiyiin ah iyo Hay’ad Magaceedu yahay Al-khumayni oo Shiico ah, “Kuwa halkan jooga ee aanu Annagu War ka hayno waxa ka mid ah Xuutiyiinta, waxa kale oo jooga Mu’asasad la yidhaahdo Al-khumayni oo hadda ka horna la sheegay inay (Deeq) keentay, sidaa daraadeed waxaanu Xukuumadda ka codsanaynaa inay ka saarto Hay’adda la yidhaahdo.” Ayuu yidhi.

Hay’adda Al-khumayni, ayaa laga leeyahay Dalka IRAN waxaana hore Ciidammada Sirdoonka ee Dawladda Soomaaliya u sheegeen inay ka shaqeyso inay dhallinyarada u samayso Guur-Wadareed iyo inay Dhallinyarada Soomaalida ah u dirto Jaamacado u yaalla Dalka Iran si ay u soo bartaan Mad-habta Shiicada isla-markaana

COMMENTS
Latest News