|
|||||
Maalmahanews.com
“Isku Xidhka Waddooyinka Waa Muhiim, Xukuumaduna Way Dhiirigelinaysaa” Madaxweyne Siilaanyo
January 13, 2016 - Written by adminMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta dhagax dhigay waddo isku xidhaysa gobollada Maroodijeex,Daadmadheedh iyo Togdheer oo dhismaheeda dhanka Maroodi-jeex uu shalay si rasmi ah uga bilaabmay tuullada Diin-qal oo ka tirsan degmada Sabo-wanaag. Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo shalay lagu qabtay Tuuladaas ayaa markii dhagax dhigayay jidka isku xidhaya Maroodi-jeex, Daad-madheedh iyo Togdheer, waxa Madaxweynaha Somaliland uu bulshada u sheegay in ahmiyad weyn iyo mudnaan gaar ah ay siinayaan isku xidhka dalka isla markaana ay ka dawlad ahaan dhiiri gelinayaan in dalku isku wada xidhmo. Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu balan qaaday in jidkan ay Dawladdu qeybteeda ka qaadanayso oo ay kaalin muuqata oo weyn ka geysanayso dhamaystirkeeda. Sidoo kale waxa madaxweynuhu dalka ALLE uga baryay in uu abaarta ka soo jabiyo oo uu raxmaadkiisa ugu deeqo. Sidoo kale, waxa iyaguna madashaasi ka hadlay Wasiirrada Hawlaha Guud iyo Arrimaha Gudaha Cali Xasan Maxamed iyo Cali Maxamed Waran-cadde, waxaanay ka hadleen dhismaha jidkan iyo sida ay hawshiisu u socoto.
COMMENTS
|
Latest News
|