Maalmahanews.com
“Dawlada Somaliya waxaan kula tallinayaa Inay Diirada Saarto Dhibaatooyinka ka Jira Dalkeeda….”
January 12, 2016 - Written by admin

Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay faro galin ay dawlada somaliya ku hayso  jamhuuriyada Somaliland.

Madaxwayne Siilaanyo waxaa uu dawlada Federaalka Somaliya kula taliyay inay diirada saarto dhibaatooyinka  hadheeyay maamulka dawlada federaalka,  isagoo uga digay inay soo faro galiso dawladnimada Jamhuuriyada Somaliland.“Dawlada Somaliya waxaan kula talinayaa inay diirada saarto dhibaatooyinka ka jira dalkooda ee aanay soo faro galin  jamhuuriyada Somaliland  (I am advising Somalia’s gov’t to focus on the problems in their country & to not interfere in the Republic of Somaliland’s affairs.”ayuu madaxwayne Siilaanyo ku yidhi Qoraal kooban oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Twiter-ka.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa khudbadii uu shalay Baarlamaanka ka horjeediyay ku sheegay inay dawlada somaliya faro galin ku hayso diiwaangalinta Codbixiyayaasha iyo Arimaha doorashooyinka ee la filayo inay dalka ka dhacaan 2017ka.

Madaxwayne Siilaanyo waxaa kale oo uu dawlada Somaliya ku eedeeyay inay soo abaabushay dad khalkhal ka abuura gobalada Beriga Somaliland oo la rajeynayo inay doorashadu ka dhacado.

 

COMMENTS
Latest News