Maalmahanews.com
Ciidammada Itoobiya oo Jigjiga u gudbiyey Afar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka oo ay ka qafaasheen Xuduudka Somaliland
January 12, 2016 - Written by admin

Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Afar qof oo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka oo Ciidammada Cashuuraha Itoobiya ka qabteen Gobolka Hawd, gaar ahaan Xuduudka uu la wadaago Dalka Itoobiya.

Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo shaqo u marayey deegaannada ku teedsan Xuduudka Gobolka Hawd la wadaago Itoobiya, ayaa Doraad waxa Gacanta ku dhigay Ciidammada Cashuuraha ilaaliya ee Dalka Itoobiya, waxayna Afarta qof ee ka mid ah Shaqaalaha Caafimaadka Somaliland u gudbiyeen Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda  Caafimaadka Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye, oo Telefiishanka STAR wax ka waydiiyey Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka ee Ciidammada Itoobiya qabteen, ayaa ku jawaabay, “Shaqaalahayagu waxay marayeen Xadka Gobolka Hawd ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, dabadeedna iyaga oo shaqadooda gudanaya ayay Ciidammada Itoobiya ka qabteen halkaa, waxa la ii sheegay in Ciidammada qabtay ay yihiin kuwa Cashuuraha ilaaliya ee Xuduudka ku teedsan (Ciidammada Finaasta). “

Agaasimaha guud waxa uu tilmaamay in Shaqalaha la qabtay markiiba loo gudbiyey gudaha Itoobiya, “Waxaanu ka war helay in markiiba loo gudbiyey Harta Sheekha, haddana Saaka (Shalay) markay Saacaddu ahayd 7:30 waxa loo gudbiyey Jigjiga.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo mid mid u sheegaya Magacyada Shaqaalaha la qafaashay “Khadar Ibraahim Maxamed, Xamda Cawil Garaad, Hana Maxamed Cabdillaahi iyo Dirawalkooda oo la yidhaahdo Shiine”

Agaasimuhu waxa uu sheegay in aanay ahayn markii koowaad ee Ciidammada Itoobiya ay sidan oo kale Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Somaliland  qafaashaan, “Markii u horeysay maaha ee (Shaqaale Caafimaad la qabsado) ee waxa jirtay in Shaqaale hore loo qabtay isla goobtii lagu qabtay haddana lagu soo daayo.”

Agaasimaha oo la waydiiyey waxa uu u maleynayo in Ciidammada Itoobiya u qabteen Shaqaalahaas, ayaa ku jawaabay, “Waanu la xidhiidhay intii awooddayada ah (Masuuliyiinta Itoobiya) waxayna noo sheegeen in la marinayo (Shaqaalaha la qabtay) waajibaad ama Hubsiimo.”

COMMENTS
Latest News