Maalmahanews.com
2016: Maxaa Ku Cusbaa Khudbadii Madaxweynaha Somaliland Ee Bulshadda Soo Jiidatay?
January 12, 2016 - Written by admin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta khudbad sannadeedkiisii dastuuriga ahayd ka hor jeediyay fadhi wada jir ah oo ay yeesheen Labada aqal ee baarlamaanka Somaliland ka kooban yahay ee Guurtidda iyo Wakiiladda.

Fadhigaasi oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha aqalka odayaasha Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa ka soo xaadiray 105 xildhibaan oo iskugu jiray labada aqal. Waxa kale oo ka soo xaadiray madax badan oo ka mid ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Wasiirro iyo Guddoomiyaha ahna Murrashaxa xisbul xaakimka KULMIYE.

Khudbada Madaxweyne Siilaanyo waxay ahayd mid ka duwan khudbadihiisii hore, waxaanu gabi ahaanba wax mudnaan ah siinin wixii wax-qabad u tisqaaday xukuumadda,  65-kii bilood ee  uu wadanka hoggaaminayay. Hase yeeshee Madaxweynuhu waxa uu khudbadiisa kaga hadlay toddoba qoddob oo waaweyn oo xambaarsanaa  mawaadiic siyaasiya oo uu kaga jawaabay dareenka bulshadda ee wakhti xaadirkan.

Qoddobada Madaxweynuhu diiradda ku saaray khudbadiisu waxay kala ahaayeen siyaasadda Arrimaha dibadda, wada hadalladda Somaliland Iyo Soomaaliya, diiwaan-gelinta iyo doorashooyinka, qiime dhaca shilinka Somaliland, adkaynta Nabad-gelyadda, maamul wanaaga iyo Garsoorka iyo cadaallada.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu khudbadiisa kaga hadlay dhacdooyin  heer caalami ah, waxa ka mid ahaa inuu sharaxay mowqifka biyo kama dhibcaanka ah ee Somaliland ka taagan tahay xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan dalka Sucuudiga iyo Iiraan. Waxaanu madaxweynuhu dawladda Iiraan ku haaraamay dhacdadii dhawaan lagu gubay safaaradda Sucuudigu ku leeyahay Tehraan taasi oo ahayd wixii soo dedejiyay inuu gabi ahaanba cilaaqaadkoodu go’ labadaas dal oo colaad guun ahi ka dhaxaysay.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in mowqifka dalkiisu ka qabo xiisada labadaas wadan ay kala mid yihiin arragtida  duwalka jaamacadda Carabtu ka sigteen dhacdadan, waxaanu yidhi “Waxaan halkan ku cambaaraynayaa falkii foosha xumaa ee lagu gubay Safaarada dalka Sucuudigu ku lahaa Wadanka iiraan, taas oo ahayd mid ka dhan ah milgaha diblumaasiyada dunida, kana soo horjeeda Shuruucda Caalamiga ah. Xukuumada Somaliland waxay si adag uga soo horjeedaa xasilooni darrida dalka iiraan ka wado mandaqadda Bariga Dhexe iyo Marin Biyoodka Badda Cas.  Dawladda Somaliland waxay si buuxda u garab taagan tahay mawqifka ay ka qaateen Dawladaha Jaamacadda Carabtu arrintan.”

Madaxweyne Siilaanyo waxa khudbadiisa ku jiray dhammaan wadciga iyo xaaladaha ka jira Somaliland, waxaanu markii u horeysay daboolka ka qaaday in dawladdiisu ay qadiyadda Somaliland horgeyn doonto Maxkamadaha caalamiga ah iyo fagaareyaasha diblamaasiyadda. Arrintan oo ahayd dood aanu wali Hoggaamiye Somaliland ahi ka hadal.

“Waxaannu qadiyadda Somaliland gaadhsiin doonaa Maxkamadaha iyo Hay’adaha Garsoorka Caalamiga ah,”ayuu madaxweyne Siilaanyo doodiisa ku balaysimay. Waxa kale oo uu soo qaaday inuu samayn doono Guddi aqoonyahanadda dalku muddo badan ugu baaqayeen dawladihii tallada Jamhuuriyadda Somaliland iskaga dambeeyay oo ah in la sameeyo Guddi ka shaqeysa qaddiyadda aqoonsi raadinta, waxaanu yidhi “Waxaannu dardar gelinaynaa dedaalka ictiraaf raadinta loogu jiro, si looga midho dhaliyo guul wax ku ool ahna dhakhso looga gaadho, waxaan magacaabayaa guddi ka shaqaysa arrimaha ictiraaf raadinta.Waxaannu abaabulaynaa qurbo-jooga Somaliland ee ku firidhsan dunida dacalladeeda, kuwaas oo ah xoog dihin oo dalkan u maqan.”

 

Madaxweynaha Somaliland waxa uu soo qaaday wada hadallada cago-jiidku ku dhacay ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland Iyo  Soomaaliya,waxaanu yidhi “

Waxaannu dardargelinaynaa ambaqaadka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Si looga gun gaadho wada hadalada labada dal u dhexeeya, waxaan ku baaqayaa in gogosha la balaadhiyo, dalal laysla gartayna ay goob joog ka noqdaan. Dhinaca kale, waxaannu soo dhaweynaynaa dedaalada Beesha Caalamku ugu jirto sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa, isla markaana dawlad adag loogu dhisi lahaa dabayaaqada sannadka 2016-ka. Hasayeeshee, waxaannu dunida u caddaynaynaa in Somaliland tahay dal madax bannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka.Jamhuuriyadda Somaliland ma meteli karaan shaqsiyaad danaystayaal ah oo Muqdisho laga cugtay. Waa maag iyo meel ka dhac qaawan in magaca qarankayaga loo cimaamado cid aan shacbiweynaha Somaliland dooran, ama aanay ceelalyo u diran. Ummadda Somaliland waxaa matala oo kaliya, kana mas’uul ah madax ku timi doorasho xor iyo xalaal ah (Xukuumad iyo Baarlamaan).”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu  ka hadlay sida aanay dhaqankiisa dabiiciga ah ugu jirin musuqmaasuqu. Waxa uu si xeel dheer oo aftahamo leh uga hadlay halka uu ka taagan yahay suulinta musuqa iyo maamul xumadda, waxaanu yidhi “Xukuumadaydu waxay dagaal adag oo joogto ah kula jirtaa sidii dalka looga dabargoyn lahaa musaqa iyo maamul-xumida. Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta mucaaridka, waxaan ka maqlaa, iyagoo maamulkayga ku eedaynaya arrimahaas.

Waxaan aaminsanahay in hadaladaasi yihiin dacaayado iyo deelqaaf cadaaladda ka durugsan, isla markaana aan xaqiiqo ku dhisnayn.

Hanti la dhaco, iyo ummad la kala hayb sooco waa calaamadaha ay caanka ku yihiin hogaamiyayaasha aan hamiga fog lahayni.

Tan iyo intii aan hanaqaaday waxaan haaneedka iyo hareerta hayey hawl Qaran. Cimrigay habeen calooshayda ma gelin, in aan ku danaysto xilka aan ummadda u hayo, ama danta guud ka horumariyo mid ii gaar ah. Anigu tuug ma ihi oo waad i taqaanaan. Haddaba, waxaan leeyahay nimaan tuug ahayni, tuug ma kaashado.
Waxaan soo dhaweynayaa dhaliilaha runta ah ee maamulkayga ka dhanka ah. Waxaan soo dhaweynayaa tallooyinka iyo tilmaamaha togan ee wax lagu toosinayo.”

 

Madaxweynuhu arrimaha kale ee uu ka hadlay ee dadweynuhu soo dhaweeyeen waxa ka mid ah in xukuumadiisu ay qorshaysay hindise xididdada loogu siibayo sicir bararka sababay qiime dhaca shilinka Somaliland.

“Dal kasta oo dunida ku yaal wuxuu leeyahay calan iyo cumlad u gaar ah. Lacagta Qarankani uu leeyahay waa Shillinka Somaliland. Waxaa hubaal ah in lacagteenii uu ku yimi qiimo dhac, ka dib markii ay suuqa iyo seyladda ganacsiga ku cidhiidhyeen lacago qalaadi. Taasi waxay keentay in lacagteenii ay soo ururto isticmaalkeedu. Haddaba, si aynu uga badbaadno dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale iyo lacagteena,”ayuu yidhi Madaxweynuhu waxaanu isagoo hadalkiisa sii watay uu yidhi “Waxaannu suurto gelinaynaa in lacagta Shillinka Somaliland noqoto cumlada rasmiga ah ee wax lagu kala iibsado. Waxaa waajib ah in bulshadu wax ku kala iibsato ama wax isku weydaarsato lacagteena, dhammaan Goobaha Ganacsiga sida Huteelada, Dugsiyada Waxbarashada, Suuqyada kala duduwan, Seyladaha Xoolaha iyo wixii la mida. Waxaannu xoojinaynaa isla markaana dardar  gelinaynaa Awoodaha Baanka Dhexe ee Qaranka, si uu u xakameeyo sicir bararka iyo sarifka lacagaha.”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay qoddobo ay ka mid ahaayeen toosinta cadaalladda, adkaynta nabad-gelyadda iyo diiwaan-gelinta iyo doorashooyinka isa saarka ah ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto bisha March 2017-ka.

Khudbadani waxay ahayd mid ka turjumaysay dareenka bulshadda iyo xaaladdaha ka jira Dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

COMMENTS
Latest News