Maalmahanews.com
“Waxaan Cambaareynayaa Falkii Foosha Xumaa ee lagu Gubey Safaarada Sucuudiga ee Iran”Madaxwayne Siilaanyo
January 11, 2016 - Written by admin

Xukuumada somaliland ayaa maanta si rasmiya u shaacisay inay taageersantahay mawqifka dawlada sucuudigu xidhiidhka ugu jartay dalka Iran .

Madaxwayanaha somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo maanta khudbadii dastuuriga aheyd ee madaxwaynaha ka jeedinaya  baarlamaanka somaliland ayaa sheegay in dawlada somaliland ay si weyn u cambaareynayso dhacdadii lagu gubay safaarada sucuudiga ee dalka Iran, waxaa kale oo uu sheegay madaxwayne Silaanyo  in  dawlada somaliland ay taageersantahay mawqifka jaamacada carabtu ka qaateen xidhiidhka dawlada Iran.

“Waxaan halkan ku canbaaraynayaa falkii foosha xumaa ee lagu gubay Safaarada Dalka Sucuudigu ku lahaa Wadanka iiraan, taas oo ahayd mid ka dhan ah milgaha diblumaasiyada dunida, kana soo horjeeda Shuruucda Caalamiga ah. Xukuumada Somaliland waxay si adag uga soo horjeedaa xasilooni darida dalka iiraan ka wado mandaqadda Bariga Dhexe iyo Marin Biyoodka Badda Cas.

Dawladda Somaliland waxay si buuxda u garab taagan tahay mawqifka ay ka qaateen Dawladaha Jaamacadda Carabtu arrintan.”ayuu yidhi madaxwayne Siilaanyo

COMMENTS
Latest News