Maalmahanews.com
Guddoomiyaha UCID Oo Masuuliyiin Cusub U Magacaabay Qaar ka Mid Ah Laamaha Xisbiga Ee Dalalka Yurub
January 11, 2016 - Written by admin

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa masuuliyiin kala duwan u magacaabay xafiisyada xisbigaasi ku leeyahay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub.

Sida lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo soo baxay toddobaadkan, ayaa lagu caddeeyey in Guddoomiyeyaal cusub loo dhiibay laamaha xisbiga ee dalalka Denmark, Finland iyo magaalada Cardiff ee Boqortooyada Ingiriiska.

“Shir ay fadhiisteen Guddida Fulinta ee xisbiga UCID, waxa maanta (maalintii Khamiista) oo taariikhdu tahay 07/01/2016 ansixiyeen xilalka hoos ku qoran.

1.      Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Cardiif ee dalka UK, Mr. Mukhtaar Maxamed Yuusuf Cilmi (Geeraare)

2.      Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga UCID ee dalka Denmark, marwo Fatima Maxamed Cabdillaahi.

3.      Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee dalka Finland, marwo Farxaan Cumar Jaaquur

Sidaas awgeed, waxa la farayaa dhammaan masuuliyiinta xisbiga UCID inay u fududeeyaan hawlahooda shaqo haddii Ilaahay yidhaah,” ayuu qoraalkiisa magacaabista ah ku yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe.

COMMENTS
Latest News