Maalmahanews.com
“Madaxwaynaha Su’aal lama weydiin karo, Looma Baahna nin mucaarida (Xildhibaan )oo meelahaasi ka qayllinaya”
January 10, 2016 - Written by admin

Xildhibaan Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mida mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa digay in wax su’aala  la weydiiyo  madaxwaynaha marka uu beri khudbad sanadeedkiisa ka jeediyo aqalka baarlamaanka Somaliland.

Xidlhibaan Nacnac waxaa uu ku dooday inaan loo baahnayn xildhibaan mucaarid ah oo su’aalo waydiiya madaxwaynaha balse si fiican loo dhegeysto khudbada madaxwaynaha ee uu kusoo bandhigi doono waxqabadka xukuumada.

“Madaxwaynuhu berri waxaa uu noogu imanayaa khudbad sanadeedkiisii,wuxuu noo sheegayaa waxa uu qabtay iyo inta uu qaban doono sanadka meesha uu jooga markaasi su’aal meesha kama furna, nin mucaarida oo meelahaasi ka qaylqaylya looma baahna”ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.

Xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland ayaan inta badan loo ogolaan inay su’aalo weydiiyaan madaxwaynaha Somaliland marka uu dhameysto khudbada uu ka jeedinayo aqalka baarlamaanka Somaliland waxaana inta badan is hortaaga guddoomiyaha golaha guurtida iyo xildhibaanada xisbiga Kulmiye ee golahaas.

COMMENTS
Latest News